Maansada Aminley Qalinkii Faarax cali Axmed.
Gebo Gebo News

June 21st, 2018
Maansada Aminley Qalinkii Faarax cali Axmed.

Ma waraabe amiira
Adhiguu xukumaayay
Ku eeddeyay barruurtiyo
Orgobaa talinaaya ?
Amankaag iyo yaab dhe !
Midh kalaan arkayaaye ,
Nimaad aamin ka qaadey
Misna qaatey afjeexo
Bir mageydo aqoonin ,
Hadaad moodo islaam
Iimaan baanad lahayn,
Ama eelka adaa loo
Ujeedaad wadataa,
Dadkuna maaha agnaane
Kaa ildheer badan koodu.
Ninkii Ey yar rabaystaa
Hadii ay ka aguugto,
Illaaluu u noqdaayoo
Hilbaha yaala agtiisa
Wuu amaan geliyaa,
Saaxiibkiisa abaadey
Urtuunbaa ka kaxaysa !
Adigaa ubadkaaga
Uggubaay liqliqaaya .
Oosha meel wada taalla
Markii aad kala awrtey,
Abqudhaa ka dhaxeeyaye
Bartey Aayo fogeeysta,
Iney aaddun dhaleysiyo
Sow oggaalku ma haynin ?
Adinkaa dhigimaayo
Misna waan ordayaa,
Insi baanad ahayn,
Ama aallado gaaliyo
Waxaad fuushey alleelo
Albaqraan lagu saarin !!!
Markey aayaha joogte
La dhegeysto arraahda,
Waxaan meeshaba ool iyo
Asqaad qaybineysaaye,
Sow aqoon yaridaadu
Aamus May garan waayin ?
Dhibta taal arligeena
Markaad tey ka abuurey,
Amni kuu diran maayo
Waxba hay odayaynine
Abahdeydan dhegeyso ,
Waxay gaadhey eddaa
Inta ruuxa la eego
Ashaa waad bogateen ,
Waa ayaanba ayaan
Hidler Bay ka idlaatey
Meeluu joogo aduunka
Allaankaa la aqoonin ,
Ibtilaa ku ruxeysa
Oofwareen iyo ciil
Waxaad beertey uhuu .
Mas alloolka ku laaqanba
Isha wiil yari saarey ,
Markaasu yidhi aabo
Aburbaa rugta jiifa ,
Illen waa odawaaye
Ortii muu sholdha, aysan,
Ilduufkaa waxa keeney
Waraabii lax abeera
Oodda sow kala boodey ,
Eryo neefkan badbaadi
Ubadkii ku illoobey,
Tu yaroo adhi raaciyo
Islaantii la qanniin,
Markuu oogu dillaacey
Maska waa la ogaayo,
Xalluu sheegey ibraahin ,
Arxan baanad lahayniyo ,
Waad illaaq badantiine ,
Dayac laysku afdhaafyay,
Amakaag iyo yaab dhe ,
Tu kalaan arkayaaye
Shaley kaad arki weydey
Inuu maanta ku eego
Udud weydnimo weeye ,
Abaal waa dhigtaaye
Hal ninkii ku amaahshey
Amintuu ku yidhaahdo
Halla yaabin isiida,
Is-afuufkiyo maagu
Dhaxal maaha awoowe ,
Dadku waa umal miidhan .
Cokan oomanta raaciyo,
Aroor ceel kasta taagan ,
Ayaxbaa ku gedaaman
Mid abaartiyo dooga
Afka qaadi aqoonin ,
Uur- tablow weligaaba
Waxaad yeeshey ollakac ,
Indhahoo ku arkaaya
Ina ma,is odhan Weyden
Wey ogaan karayaan .
Yixaasow ilmadaada
Afkan aad kala waaxdey
Ilkahaagiyo feenka
Shinbiraan ilbaxayne
Waad ku aabudhataa ,
Midse goyn ajashaaduna
Iyagey ku jirtaayoo
Dalqadaa alwanaysee
Carab haysan illaasha
Irbad baa mudi doonta !!!
Midaan aayar aqoon
Aminley la yidhaahdo,
Dadkana kii wax inkaare
Eebadaadu ku tiiley
Illaah buu baryayaa
Isna waa la ajiibi
Koley gaadho arroorta
Abaal baad heleysaa….

Qalinkii Faarax cali Axmed

119 Views

Features

  • “ Dagaalka Dhumay Inuu Soo Jiitantamo Muddo Inta Leeg Waa Guul Daro Siyaasadeed” Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
More FEATURES