June 22nd, 2018
1: Maamul xumadii Gudaha Xisbiga Wadani
2: Guul daradii soo wajahday labadii tiim ee xisbiga uga ciyaarayay gebilay iyo bariga burco oo been badan hore u sheegay, kharash badana ku maqnaa.
3: Gaabiskii Musharaxiinta Xisbiga ee xaga aqoonta dhaqanka, gole ka fuulka, iyo hiraal araga
4:Khibrad la,aantii siyaasadeed ee guud ahaan hogaanka xisbiga.
5: Yaraysigii ama dhayalsigii awooda ka soo horjeeda
( Xisbiga Kulmiye + Dawlad ) ee waayo araga ah.
Guud ahaan Fashilkii xisbiga ka raacay doorashada ee ay ahayd inuu darso oo wax ka barto si uu ta dambe isu saxo, ayuu doonayaa inuu komishanka doorashooyinka ku wareejiyo.
Xisbigu haduu run sheegayo muxuu uga hadli waayay doorashadii 2012, ee bilaa diiwan galinta lagu galay oo ka khalad badnayd doorashooyin badan, kama hadlo waayo xisbigu isagaa kaalinta labaad ku soo baxay ka dib markii uu gacan ka helay saraakiil hore uga tirsanaa xukuumada.
Xisbigu hadii uu samri waayay gudi soo baadha sababtii guuldarada dhaxal siisay oo madax banaan ha saaro, waa gudidii gudoomiye ciro madaxda ka ahaa ee faysal cali waraabe saaray ka dib doorashadii 2010. gudidaasi eedii guuldarada faysal ayay saareen, gudida maanta wadani saarana ciday eeda saarayso waa la garanayaaa, waa cida indhaha ku sii jeedinaysa komishankan miskiinka ah ee daacada ah ee xubintii wadani ugu jirtay xataa ay runta ka sheegtay inaan wax khalad ah oo la sheegaa dhicin, doorashadiina galin hore la kala badiyay 5:0.
Komishaneer abdiraraxmaan sagal xurmo wayn ayaan u hayaa wuxuu ku sugnaaday runta xili uu gudanayay dhaartii iyo masuuliyadii lagu aaminay.
Qalinkii Jaamac Booda Cade
415 Views