“AMISOM” Somaliya Hillinkeedu ma Hir Nabadeed baa Mise Waa Hagardaamo?
Gebo Gebo News

June 23rd, 2018
“AMISOM” Somaliya Hillinkeedu ma Hir Nabadeed baa Mise Waa Hagardaamo?

Waxay somaliya soo galeen Dabayaaqadii 2006 ilaa Fep-2007-dii waxay joogaan muddo ku siman 11sano.

AMISON the afrikan union mission in somalia, Waxay Ka kooban yihiin 22, 126 ( Size Approx) Ciidan ah, Waxay ka kala socdaan Wadamada

– Kenya 🇰🇪
– Ethiopia 🇪🇹
– Uganda 🇺🇬
– Burundi 🇧🇮
– Djibouti 🇩🇯

Muddo ku siman Rubuc Qarni Somaliya waxaa hagaasisay oo curyaamiyey dowlad la’aan, dagaalo sokeeye, urur diimeedyo, mooryaan qabiileedyo, Siyaasiin dhiig miirato ah, sidoo kale Siyaasad Reer galbeed ayaa ku raffanaysa, Tan iyo waagii siyaad barre talada dalka laga Tuuaray 26kii January,1991-dii. Waxaa soo maray maamulo iyo Madaxweynayaal kala duwan Madaxweyne siyaad barre kadib. walow aanay sunnihii dawladnimo dalka kuu hogaamin, hadana waa ay dhaantay dawlad la’aanta.

Soo if bixii saxwadi islaamiga aheyd ee ay hogaaminayeen Midowgii maxaakimta Islaamiga, sanadki 2006 ayaa naxdin iyo argagax ku noqotay wadamada danayeeya somaliya iyo qaramada midooobay.
“Balcaam ibni bacaaruu “ magacii MaRkuu ahaa Amiirka Maxaakiimta (Ex- Madxaweyne Shariif Sheekh Axmed) ayaa Amiir u ahaa maxaakiimta waxay noqdeen jabhad xoog badan oo si dhakhsa ah, Ugu fiday dhamaan gobolada dadlka somaliya, waxay la kulan tay dagaalo qadhaadh oo kaga imanayay reer gal beedka iyo wadamo afrikaan ah oo garab sanayey dawladii cabdilaahi yuusuf,
United nation Security Council, Ayaa waxay go’ aamiyen in la geeyo ciidamada Amisom somaliya 22,126 ( Troops) Ciidana, si ay ula dagaalamaan midowga maxaakiimta, Ee soomaliya ka unkantay. Kadib somaliya waxa uu galay weji siyaasadeed oo cusub, maadama isagoo dalku la daalaa dhacaynayey dagaalo sokeeye, dhac boob,mooryaanimo, burbur iyo Bas, Qax iyo qaxoonti, baahi iyo baaba,
Ku bilaabantay urur diimeed.

Waxaana Si dhakhso ah loo hawl geliyey ciidankaa kadib, Maxaakiim islaamku iyaga iyo hogaamiyaashoodii waxay ku milmeen dawlada, waxanay noqdeen badankoodii shaqaale dawladeed.
Intaa kadib waxaa isla 2006-dii Qurub ama Qayb kamida urukii maxaakiimtu ku midoobeen urur la magac baxay “Alshabaab” kaasoo yeeshay awood dheeri ah, waxaanu noqday urur mayal adag oo dagaal yahayna waxaanu saamayn ku yeeshay Guud ahaan geeska afrika, Dhaqdhaqaaqyadiisii dagaal iyo fiditaan, ayaa sii xoogaysatay Waxaan taag iyo maaro loo wayay Xalintiisii iyo soo afjarkiisa illaa iyo maanta oo uu yahay Urur diimeedyada Ugu Awooda iyo Saamaynta badan Caalamka, waana sababta mudada u dheeraysay Amisom.

Hadaba mudada ku siman 11-ka sano Amisom iyo Huwanta Reer galbeedka ee ka dagaalamyey somaliya, ilaa maanta guulo iyo Gariidimo la xusi karo oo ay, kasoo hooyeen somaliya ma jirto
Waxaanay dhibaatada amisom saamaysay shacabkii iyo maatidii Somaliya.

Waxaana markhaati kuugu filan in markii Ay Qaramada midoobey iyo Dawladaha dhanka mushaharaadka siiya Amisom Ay Yidhaahdeen Waxaanu dhimaynaa dhaqaalihii Mushaharka ahaa, ee ciidamada Amisom inay yidhaahdeen waanu iskaga baxaynaa dalka, Madaxdoodii iyo dawladihii ay kasoo jeedeena U gacan haadiyeen ciidankooda. Waxanay daliil u noqonaysaa in ay yihiin Calooshooda u shaqaystayaal, aan dano difaac iyo nabadayn dalka u joogin. Qaadana mar-mar dagaalo teel-teela oo mijo habaabin ah.

•Waxay gaysteen dhibaatooyinkan:
– Dilal iyo dagaalo gumaada
– Shacabka oo aanay u aabo yeelin Hagardaamayntooda
-dhac iyo boob hantida ummada iyo Dawlada
– Kufsiyo tiro badan
– gumeysi joogto ah
– Hanti duudsi Hadh cad dhacaya
– Kumanaan ay si kama’a iyo si kibira u dileen.
– Dhaqan xumo iyo Xumo tuska dhalinyarada

Waxaanan Dawlada farmaajo iyo xassan cali khayre ku Taageersanahay Aftida iyo go’aanka geesinimada leh, Ee ay Ka qaateen Ka saarida dalka Ciidamadan calooshooda u shaqaystayaasha ee naash naashinaya somaliya.

Shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Brussels ee Dalaka Belgium 🇧🇪waxaan jecelahay inuu noqdo Mid Midho dhala oo looga saaro dalka Amisom, waxaanay ka mid ahayd ka saarida Amisom somaliya Barnaamij siyaasadeedkiisii iyo ballan qaad yadiisii, Madaxwayne Farmaajo.

W/Q: Fadxi garaad Ciise.

cont: aqoonyahanfadxi@gmail.com or 252 63 4001631

148 Views




Features

  • Xukumadda Somaliland Oo Hadashay Khilaafka Diblomaasiyadeed Ee Soomaaliya Iyo Kenya
  • Daawo:Beel Sida Fiinta Uga Qaylisay Ciidammo Hubaysan Oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Geliyey, Madaxweyne Biixi-na Farriin U Diray
  • Sidee Ayay Dalalka ula Dhaqmaan Dadka Ka Soo Goosta Daacish?
  • Daawo:Badhasaabka Gobalka Maroodijeex Oo Maanta  Hargeysa Ka Ambabixiyay 431 Arday Ee Ku Guulaystay Barnamijka  Shaqo Qaran.
  • Daawo:Xukuumada Somaliland Oo Si Adag Ugu Jawaabtay Hadlo ka Soo yeedhay Madaxwaynaha Maamul Gobaleedka Puntilnad.
  • Daawo:Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Socod Lug Ah Kaga Baxay Madaxtooyada Somaliland +Halka Uu Ku Sii Jeedo
  • Shaqaalihii Dawladda Oo Mushaharkii Laga Handaraabay Iyo Xukuumadda Oo Tahlikari weydey Bixinta  Mushaharaadkii.
  • Saddex Shuruudood Oo Dawlada Kenya Ku Xidhay Soo Celinta Xidhiidhka Soomaaliya
  • Daawo “Udul Qaadan Mayno Inay Caayan Madaxweyaheena Muuse Biixi   Kurayda Yar Yar Ee Beenta Iyo Cayda Lagusoo Dalacsiiyay Ee Xibiga Wadani
  • Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Xoggo ku Saabsan In Dawladda Ruushku Saldhig Millatari Ka Samaysanayso Xeebaha Somaliland.
  • Daawo:Gudoomiyaha Degmada Qoryaale Oo Ka Hadlay Xaalad Biyo La’aaned Oo Ka Jirta Degmadaasi.
  • Daawo:Maamulka Gobolka Togdheer Oo Magaalada BURCO Ka Ambabixiyey Ardayda Ku Guulaysatay Barnaamijka Shaqo Qaran.
  • Daawo:Ex Madaxweyne Silaanyo Oo Maanta Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Dalka.
  • Somaliland Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Somaliya.
  • Xaaladda Ay Ku Sugan Yihiin 4 Kamid Ah Maal-Qabeenadii Sucudiga Ahaa Ee Loo Xidhay Musuq Maasuqa.
More FEATURES