Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Addis Ababa Iyo Raysal Wasaaraha Oo Goobta Ku Sugnaa + Waa Sidee Xaalkiisu.
Gebo Gebo News

June 23rd, 2018
Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Addis Ababa Iyo Raysal Wasaaraha Oo Goobta Ku Sugnaa + Waa Sidee Xaalkiisu.

Addis Ababa(Gebogebonews)-Qarax xoogan ayaa ka dhacay fagaaraha Meskel Square ee magaalada Addis Ababa, xili uu halkaasi kumanaan taageerayaashiisa ah kula hadlay Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed .

Fagaaraha ayaa mar qudha laga maqlay qaraxa kadib markii uu Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed u khudbeeyay Kumanaan dad ah oo si weyn u taageersan isbadalada cusub uu dhawaan ku dhawaaqay.

Ciidamada ilaalada gaarka ah ee Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa si deg deg ah isugu gadaamaday Ra’idul Wasaaraha, waxa ayna ciidamada oo goobta ka kaxeeyay Abi Ahmed geeyeen goob amaan ah.

Sida ay qoreyso Wakaalada Wararka ee reuters dhowr qof ayaa dhimasho iyo dhaawac kasoo gaadheen qaraxan, waxaana mar qudha fagaaraha Meskel Square ee magaalada Addis Ababa ka dhacay kala orod iyo argagax.

Qaraxa ka dhacay fagaaraha uu ku sugnaa Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaan wali la xaqiijin nooca uu ahaa, sidoo kale wali ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxan ka dhacay magaaladsa Adis Ababa.

Gebogebonews.com
Gebogebonews@gmail.com

444 Views

Features

  • “ Dagaalka Dhumay Inuu Soo Jiitantamo Muddo Inta Leeg Waa Guul Daro Siyaasadeed” Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
More FEATURES