Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
Gebo Gebo News

June 23rd, 2018
Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.

Hargeysa (Gebogebonews)- Wakiilka xogyahaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan somaliland iyo soomaaliya Michael Keating ayaa jawaab ka bixiyey warqad dacwad ah oo uu ka gudbiyey madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

 

 

 

Danjire Michael Keating ayaa sheegay in xoghayaha guud ee qaramada midoobay u wakiishay inuu ka jawaabo dacwadii ka soo gaadhay madaxweynaha somaliland, waxaanay jawaabta Keating uu u soo diray madaxweynaha somaliland u dhignayd sidan:-

 

 

 

 

 

Xoghayaha guud wuxuu iga codsaday inaan kaaga soo jawaabo warqadaadii 28 May 2018 ee la xidhiidhay colaadda Tukaraq.

 

 

 

 

“Xoghayaha guud waxa uu ka niyadjabsan yahay, xilli horukac la taaban karo laga sameeyey geeddi socodka nabadaynta iyo dhismaha dawladnimada Soomaalida, in ilihii milateri ee yaraa, qiimahana lahaa, halkii ay ka ahayd in loo isticmaalo wax-ka-qabashada amni darrada, in loo isticmaalay khilaaf sababaya darxumo weyn iyo in nafo lagu waayo. Wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada in la fuliyo afartii qodob ee aan kula wadaagay oo ay ku jireen in colaadda la joojiyo, xabad joojin la hirgeliyo, la aasaaso janalo ay ku xidhiidhaan taliyayaasha ciidamadu, iyadoo si buuxda loo ogolaanayo in caawimo bini-aadminimo la gaadhsiiyo dadka shacabka ah ee ay saamaysay iyo in maxaabiista la sii daayo si kalsooni loo dhiso.”

 

 

 

 

 

 

Arrinta la xidhiidha mawduuca mawiqfka Somaliland, xoghayaha guud wuxuu ku talinayaa inay jiraan qaabab caalami ah oo loo dejiyayinay raacaan deegaanada doonaya inay gaadhaan aayo ka tashi oo ay aqoonsadaan dalalka beesha caalamku kana mid noqda Qaramada Midoobay. Xoghayaha guud wuxuu ugu baaqayaa Somaliland inay dib u bilowdo wada hadaladii istaagay ee Somaliya.

 

 

 

 

 

 

Xoghayaha guud wuxuu I faray inaan sii wado inaan dhinacyada kala shaqeeyo in la dhammeeyo colaadda tukaraq iyo inaan fududeeyo dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.”

 

 

 

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com
Gebogebonews@gmail.com

1532 Views




Features

  • Daawo:Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Beeraha Somaliland Ayaa Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Laga Hir Geliyey Degaanka BEER Ee Gobolka Togdheer
  • Madaxweynaha Jabuuti Oo Shaaciyey Cabsida Uu Ka Qabo Kacdoono Dalkiisa Ka Dhaca.
  • Daawo:Masuuliyinta Gobalka Saraar Oo Dhaxdhigay Dhismayaal Ay Shirkada Asli Maydi Ka Dhisayso Kantoralka Degmada War-idaad.
  • Daawo: Dalada DAMAL Oo Mashaariic Iska Wax U Qabso Ah Ka Bilaabay Xerada Ciidanka Milatariga Gobolka Togdheer
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES