Madaxweyne Donald Trump Oo Si Weyn U Difaacay Qorshahiisa Ku Aaddan Qaxoontiga,Dhaliilana Kala Kulmay.
Gebo Gebo News

June 24th, 2018
Madaxweyne Donald Trump Oo Si Weyn U Difaacay Qorshahiisa Ku Aaddan Qaxoontiga,Dhaliilana Kala Kulmay.

Washington(Gebogebonews)-Madaxweyne Trump oo si weyn udifaacay qorshahiisa ku aaddan qoxootiga Ayaa sheegay inuu qorshahiisa uu mareykanka uu ka dhigayo dal xooggan.

 

 

 

 

Trump oo ka hadlayey Las Vegas, sharciga mareykanka u yaalla ee qoxootiga ku saabsan ayaa wxuuu ku tilmaamay wax lagu qoslo wuxuuna Mareykanka uu uga digay inuu noqdo dal ay qarqiyeen malaayiin qoxooti ah oo ay khatar halkaasi uga timaaddo.

 

 

 

 

Sharciga Trump iyo guud ahaan waxa uu ka damacsan yahay arrimaha qoxootiga ayaa cambaareyn weyn looga soo jeediyey caalamka iyada oo weliba la sheegay Trump siyaasaddiisa in laga cabsi qabo mid dalka u horseedo iney dalka ka abuurmaan kooxa budhcad ah oo sharciga ku xad gudba.

 

 

 

Hadalka Trump ayaa ku soo beegmaya xilli aad loo cambaareeyey mowqifkiisa ku aaddanaa in carruurta iyo qoysaskooda lagu kala reebo xadka ay wadaagaan Mexico iyo Mareykanka inta ay soo tallaabin, inkasta oo uu dib ka oggolaaday qoysaska hadda ku sugan ee carruurtooda laga reebay in la iisu geeyo iyaga iyo waaliddiintooda.

 

 

 

 

Xaaska Trump Melania trump waxay ka mid tahay dadka sida weyn u dhaliilay mowqifka uu Trump iska taagay carruurta iyo qoysaskooda in la kala reeba, iyada oo weliba booqatay halka ay ku sugan yihiin carruurta oo ku taallo texas.

 

 

 

 

 

Xaaska Trump MelaniaImage caption Xaaska Trump Melania
Afhayeenka aqalka Paul Ryan ayaa sheegay in xeerkani cusub uu xal u noqonayo mushkiladan iyo dadka faraha badan ee ku qulqulaya gudaha Mareykanka ee magangelyo doonka iyo tahriibka isugu jira, kuwaa oo keentay in 2,300 carruur ah la gala haro waalidiintooda tan iyo shanti bishii May ee aynu soo dhaafnay.

 

 

 

 

 

Waxaa walaac ballaaran laga muujiyay waalidiinta dalka laga dhoofiyo iyagoo aanay la socon carruurtii ay wateen oo laga reebay. Garyaqaannada arrimaha socdaalka ayaa waxay sheegayaan in ay jiraan waalidiin badan oo dalka laga dhoofiyay iyagoo aan ciyaalkoodii la socon, waxaana xitaa jira waalidiin dalka laga dhoofiyay intii aanay helin carruurtoodii.

 

 

 

 

 

Xildhibaan John Lewis oo u ololeeya xuquuqda dadka oo ka hadlay shir jaraaid oo ka dhacay washington wuxuu yiri waa in la joojiyaa siyaasadda noocan ah ee lagu kala reebayo carruurta iyo waalidiintooda.

 

 

 

 

 

Madaxweyne Trump oo aan wax caddeyn ah iyo daliil u cuskan ayaa sheegay in kumanaan qof aysan ahayn ee malaayiin ay soo gali doonaaan gudaha Mareykanka, waa haddii buu yiri aan tallaabo adag la qaadin.

 

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com
Gebogebonews@gmail.com

93 Views

Features

  • Daawo:komishanka Maamul Wanaaga Iyo La Dagaalanka Musuq-maasuqa Oo Burco Ka Bilaabay La Xisaabtanka Masuuliyiinta Laamaha Dawlada Togdheer.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
  • Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
  • Daawo:Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Heerkay Taagan Tahay Nabadgelyada Somaliland Hanjabaadna Udiray Putland.
  • “Dadka Arintaa Wadaa Waa Dad Darojooyina Haysta Kuna Nabadgala ” Xukumada Oo Soo  Saartay Amaro Ay Xal Ugu Raadinayso Xiisada Dagaal Ee Ka Taagan Ceelafweyn.
  • Dagaalkii Ceel-afweyn Oo Waji Cusub Yeeshay + Cabsi Laga Qabo In Uu Mar Kale Dib U Qarxo Iyo Xukuumadda Oo Afka Ka Xidhatay.
  • ” Waxaanu Cadaynaynaa In Habar Yoonis Oo Dhami Dagaalka Ceelafweyn Udhantahay Oo Qaar Ku Dhaawacmeen ” Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale Oo Ujawaabay Boqor Faysal.
  • Dawladda Somaliya Oo Diyaarado Hub Ah Ka Dejisay Madaarka Garoowe Iyo Dalka Hubkaas Ugu Deeqay Farmaajo.
  • Wasiiradda Shaqo-gelinta Iyo Arrimaha Bulshada Oo Bilawday Quudinta Dadka Maskaxda Ka Xanuunsanaya Iyo Derbi Jiifka.
  • Daawo:Mujaahid Aadan Ciise Oo Dhaalilo Ujeediyey Xildhibaano Uu Sheegey Inay Colaad Ka Hurinayaan Berbera,Kana Hadlay Diyaar Garaw La’aan Ka Jirta Xuska 18 May Ee Burco.
  • “Boqorka Waxaa Loo Xidhay Muran Ka Dhaxeeya Kulmiye Dhexdiisa” Gudoomiye Ciro Oo Si Kulul Uga Hadlay Xadhiga Boqor Buurmadaw.
  • Daawo:-Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Muddo Ka Dib Warbaahinta Ka Soo Muuqdey ,Weerarayna Madaxda Maamulka Xamar.
More FEATURES