Jabuuti Oo Dooneysa in ay Qaado talaaabo Dowlada Itoobiya kaga Hor martay+ Maxay Tahay.
Gebo Gebo News

July 21st, 2018
Jabuuti Oo Dooneysa in ay Qaado talaaabo Dowlada Itoobiya kaga Hor martay+ Maxay Tahay.

Hargaysa (Gebogebonews)-Dowlada Jabuuti ayaa markeeda dooneysa in la xaliyo khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowlada Eritrea, waxa ayna Jabuuti codsatay in gacan laga siiyo sidii xal loo gaadhi lahaa.

 

 

Jabuuti ayaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ka codsatay in uu kala shaqeeyo gacana ka geesto in heshiis laga gaadho muranka dhinaca xadka ah ee kala dhaxeeya Eritrea.

 

 

Safiirka Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobay Maxamed Siyaad Ducaale ayaa warqad u qoray xoghayaha guud, wuxuuna ku sheegay in laga shaqeeyo heshiis labada dhinacba u cuntami karo oo lagu dhameeyo colaadda u dhaxaysay labada dal.

 

 

Jabuuti ayaa dooneysa in arrinka muranka xadka ee kala dhaxeeyo dalka Eritrea la hordhigo garsoorayaal caalami ah si ay go’aan uga gaadhaan, kadibna labada wadan ka heshiiyaan khilaafka u dhaxeeya.

 

 

 

Dalka Jabuuti ayaa Eritrea ku eedeysay in ay ciidamadeeda si sharci darro ah ku qabsadeen buuraha Dumeeyra isla markii ciidamadii nabad illaalinta ee Qatar ka socday ay ka baxeen halkaas sanadkii hore.

 

 

Dowlada Itoobiya ayaa heshiisyo muhiim ah oo lagu xalinayo colaad 20-sano socotay waxa ay la gashay dowlada Eritrea, waxaana labada dal hada dib usoo celiyeen xidhiidhkii diblumaasi ee ka dhaxeeyay labada wadan,

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

255 Views

Features

  • Daawo:Prof Yuusuf Goodir Oo Soo Bandhigay Musuq-maasuq Iyo Maamul Xumo Ka Jirta Jaamacada Burco.
  • Daawo:Xisbiga Waddani OoSharci Daro Ku Tilmaamay Amar Ay Wasaraada Waxbarashadu Ku Soo Rogtay jaamacadaha Dalka.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
More FEATURES