“Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
Gebo Gebo News

July 25th, 2018
“Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.

Burco (Gebogebonews)-Xildhibaan Axmed Cabdi Dhinbiil Oo Kamida Xildhibaanada Golaha Deeganka Degmada Oo Laga Soo Doortay Xisbiga Kulmiye Ayaa Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Hadal Kasoo Yeedhay Maayirka Degmada Burco Maxamed Muraad.

 

Xildhibaankan Ayaa Si Acad U Taageeray Hadalka Kasoo Yeedhay Maayirka Degmada Burco Isagoona Sheegay In Uu Maayirku Ka Hadlay Arin Ubaahan In Wax Laga Qabto,Wuxuuna Intaasi Raaciyey Inay Maanta Taagantahay Xiligii Xaqa Iyo Xuquuqda Magaalada Burco Lasoo Dhicin Lahaa.

 

 

“Gudoomiyaha waan ku taageersanahay hadalkaa cad waana ku garabtaaganahay, in badan ayaan hoos u doonay xuquudda burco, oo maayarku oday noogu ahaa,dhul badana waanu u marnay guul darooyinkii aanu kala kulanayna waxaanu is lahayn kaga fal celiya saxaafada, maayarku wakhtigaa isoogoo wax badan eegaayey oo ay ka mid tahay xukuumadii wakhtigaa joogtay iyo xiliyo xasaasiya oo wakhtigaa joogay wuxuu soo jeediyey In Aanu Hoos u doono xuquudda burco,” Ayuu Yidhi Xildhibaan Dhinbiil.

 

 

 

Xildhibaan Axmed Cabdi Dhinbiil Oo Hadlkiisa Siita Ayaa Ku Goodiyey Inay Maanta Taagantahay Xiligii Burco Ay Heli Lahayd Waxa Ay Xaqa ULeedahay,Wuxuuna Sheegay Inaan Maanta Wixii Ka Danbeeya Looga Gabanayn Cidna Raadinta Xuquuqda Burco Ee Ay Dayaaceen Xukuumadihii Kala Danbeeyey.

 

 

” Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Ay Burco Leedadahay Ee Ay Dayaceen Xukumadihii Kala Danbeeyey, guuli Way Danbaysaa ,Anaguna xildhibaano ahaan Maayirka garabkiisa ayaanu Taagan nahay “Ayuu Hadalkiisa Kusoo Afmeeray Xildhibaanku.

 

 

 

Xildhibaankan Ayaa Noqonaya Xildhibaankii Ugu Horeeyey Ee Si Cad U Taageeray Hadalka Maayir Muraadka Burco Uu Xukuumada Ku Duray,Waana Kacaan Cusub Oo Lagu Raadinayo Xuquuqda Magaalada Burco.

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

691 Views




Features

  • Daawo: Maayirki Hore Laascaanood Oo Ka Hadlay Cashuro Dheeriya Oo Shacabka Laguso Rogay
  • Madaxweyne Biixi Oo Qaabilay Muwaadin Hindisay Astaanta Qaranka Somaliland Oo Ka Samaysayn Bir.
  • Daawo:Gudoomiyaha Xisbigsa Ucid Oo Sheegay In Somaliland Ay Waan-Waan La Gelayso Jabhadda Kornayl Caarre, Kuna Baaqay In La Kala Diro Golleyaasha Deegaanka.
  • “ Xukuumadda Muuse Biixi Waxa Ay Leedahay Khaatumo Iyo Cali Khaliif Uma Baahnin, Waxa Ay Leedahay Awdal Iyo Saami-Qaybsigeeda Uma Baahnin ” Guddoomiye Cirro.
  • Daawo:Dhibane La Ildaran Xanuun Hayey Mudo 10 Sano Ah Oo Umad Islamkaa Ka Codsaday Inay Soo Caawiyaan.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
More FEATURES