Xukuumada Madaxweyne Biixi Oo Hakisay Dhisme Lagu Wadey Hotel Dawladu Laheyd Oo Cid Gaar Ah Xukuumadii Hore Siisay.
Gebo Gebo News

August 14th, 2018
Xukuumada Madaxweyne Biixi Oo Hakisay Dhisme Lagu Wadey Hotel Dawladu Laheyd Oo Cid Gaar Ah Xukuumadii Hore Siisay.

Hargeysa (Gebogebonews)- Wasaaradda hawlaha guud ee JSL ayaa hakisay dhisme dib u habayn ah oo laga waday hoteelka caanka ah ee Hargeisa Club oo dadka hadda dhisanayaa u bedeleen magaciisa Olympic hotel. Hoteelka ayaa wuxuu Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin muddo 20 sanandood ah inuu kiraysto u qoray Suldaan Siciid Maxamed Ducaale.

 

 

 

Majiro war rasmi ah oo ay wasaaradu ka soo saartay joojinta dhismaha hoteelka ku socday bilihii u dambeeyay, laakiin warar xogogaal ah oo uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in wasaaradu saddex maalmood ka hor joojisay dhismihii hoteelkan laga waday.

 

 

 

Wasaaradda hawlaha guud ayaa sida ay warar xogogaal ahi u sheegeen Geeska Afrika, waxa ay hakintan u cuskatay laba qodob oo kala ah magacii caanka ahaa ee Hargeisa Club oo ay muwaadiniinta dhisanayaa ka bedeleen una bixiyeen magac an Olympic hotel iyo qodobka labaad oo ah in aanay sharci ahayn muddo 50 sannadood ah oo uu wasiir ka tirsanaa xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo u qoray Suldaan Siciid inuu hoteelka masuul ka ahaado. Wasaaradda hawlaha guud ayaa la sheegay inay labadan qodob ee magaca iyo 50ka sannadood u aragto sharci darro.

 

 

 

Hoteelka ayaa hadda waxa dib u dhis ku samaysanaya muwadinka Jaamac Karaaciin, waxaana la sheegyay inuu Jaamac Karaaciin dhismahan bilaabay ka dib markii uu heshiis saami ahi dhex maray Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo uu Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ka kireeyay muddo 20 sannadood ah, laakiin ay xukuumadii dambe ee Madaxweyne Siilaanyo ugu dartay muddo 50 sanandood ah.

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

726 Views




Features

  • Golaha Wasiirradda Somaliland Oo Baaq Nabadeed UdiraynMaamul Goboleedka Puntland.
  • Daawo:Suldaan Siciid Oo Sheegay Inay Si Deg-Deg Ah U Soo Qabanayaan Ninkii Shalay Dilka Ka Geystay Ceel-Afweyn.
  • Xukuumada Somaliland Oo Si Kulul Uga Ka Hadashey Dil Ka Dhacey Degmada Ceel-Afweyn Hanjabaadna Udiray Beelaha Degmadaasi Wada Dega.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
More FEATURES