Madaxweyne Biixi Oo Joojiyey Dhisme Ka Socday  Dhul Dawladu Lahayd Oo Xukuumadii Hore Ee Siilaanyo Siisay Ganacsade Caan Ah.
Gebo Gebo News

August 15th, 2018
Madaxweyne Biixi Oo Joojiyey Dhisme Ka Socday  Dhul Dawladu Lahayd Oo Xukuumadii Hore Ee Siilaanyo Siisay Ganacsade Caan Ah.

 Hargaysa (Gebogebonews)-Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta hakisay Dhismaha Xaruntii Hore ee Maktabadda Gaandi oo ku taalla gudaha Magaalada Hargeysa.

Dhismaha xaruntan oo ay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku wareejisay Ganacade Ina Xarbi ayaa waxa la go’aamiyay in la hakiyo.

Si faahfaahsan xukuumaddu wali war ugama soo saarin hakinta dhismaha xaruntaasi, hasayeeshee waxa ay u badan tahay in xukuumaddu ay damacsan tahay in ay dib ula soo noqoto hantida dawladda ee ay xukuumadii hore bixisay.

 

 

Todobaadkii ugu dambeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa qaaday tallaabooyin uu gacanta dawladda dib ugu soo celinayo xarumo muhiim ah kuwaas oo isugu jira dhismeyaal iyo shirkaddo gaar loo yeeshay.

 

 

Waxa gacanta dawladda Dib loogu soo celiyay Kaydka Haamaha Shiidaalka Berbera iyo waaxda amniga Ee Madaarka Hargeysa, halka hudheelkii Hargeysa Club oo isna xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin ay siisay Suldaan Siciid Yuusuf la hakiyay dhisme ka socday.

 

 

 

 Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

655 Views




Features

  • Sidee Ayay Dalalka ula Dhaqmaan Dadka Ka Soo Goosta Daacish?
  • Daawo:Badhasaabka Gobalka Maroodijeex Oo Maanta  Hargeysa Ka Ambabixiyay 431 Arday Ee Ku Guulaystay Barnamijka  Shaqo Qaran.
  • Daawo:Xukuumada Somaliland Oo Si Adag Ugu Jawaabtay Hadlo ka Soo yeedhay Madaxwaynaha Maamul Gobaleedka Puntilnad.
  • Daawo:Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Socod Lug Ah Kaga Baxay Madaxtooyada Somaliland +Halka Uu Ku Sii Jeedo
  • Shaqaalihii Dawladda Oo Mushaharkii Laga Handaraabay Iyo Xukuumadda Oo Tahlikari weydey Bixinta  Mushaharaadkii.
  • Saddex Shuruudood Oo Dawlada Kenya Ku Xidhay Soo Celinta Xidhiidhka Soomaaliya
  • Daawo “Udul Qaadan Mayno Inay Caayan Madaxweyaheena Muuse Biixi   Kurayda Yar Yar Ee Beenta Iyo Cayda Lagusoo Dalacsiiyay Ee Xibiga Wadani
  • Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Xoggo ku Saabsan In Dawladda Ruushku Saldhig Millatari Ka Samaysanayso Xeebaha Somaliland.
  • Daawo:Gudoomiyaha Degmada Qoryaale Oo Ka Hadlay Xaalad Biyo La’aaned Oo Ka Jirta Degmadaasi.
  • Daawo:Maamulka Gobolka Togdheer Oo Magaalada BURCO Ka Ambabixiyey Ardayda Ku Guulaysatay Barnaamijka Shaqo Qaran.
  • Daawo:Ex Madaxweyne Silaanyo Oo Maanta Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Dalka.
  • Somaliland Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Somaliya.
  • Xaaladda Ay Ku Sugan Yihiin 4 Kamid Ah Maal-Qabeenadii Sucudiga Ahaa Ee Loo Xidhay Musuq Maasuqa.
  • Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Oo Ka Digay Ku Xad Gudubka Xoriyatul-qawlka.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
More FEATURES