Ex Madaxweyne Silaanyo Oo Codsi Ay Shirkada DP World Usoo Dhiibtay Ula Tagay Madaxweyne BIIXI Iyo Jawaabta Uu Ka Helay.
Gebo Gebo News

August 15th, 2018
Ex Madaxweyne Silaanyo Oo Codsi Ay Shirkada DP World Usoo Dhiibtay Ula Tagay Madaxweyne BIIXI Iyo Jawaabta Uu Ka Helay.

Hargaysa(Gebogebonews)-Maxadwaynihii hore siilaanyo ayaa codsi ula tegay shaqada looga baahnaa shirkada DP World ula tagay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Sida uu xildhibaan   ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland oo ka gaabsaday in aan magaciisa shaacino u sheegay saxaafada, Madaxweynihii hore  ee somaliland Md Axmed Siilaanyo ayaa ka codsaday madaxweyne Muuse Biixi inuu shirkada DP World u kordhiyo mudada looga baahnaa inay balaadhinta ku samayso dekeda magaalada Berbera.

Xildhibaanka oo ka hadlaya codsiga Axmed Siilaanyo ula tagay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu yidhi “Waxa jirta in madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo oo masuul ka ahaa baaba dalka ka dhacay ayaa maanta ku soo gurya noqday dalka isaga oo talo u sida Muuse Biixi kuna yidhi laba sanadood u kordhi DP World balaadhinta dekeda lagama gaadhsiiyee waa ayaan daro, arinkaasna waxaan maqlay in madaxweyne Muuse Biixi uu ka walaacay mana hubo inuu taladaas ka yeelay iyo inaanu ka yeelin.”

 

 

 

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in shirkada DP World uu ka dhacay wakhtigii ay balanqaaday inay ku balaadhinayso dekeda Berbera waxaanu yidhi “Hantida la soo celinayo waxa ka mid ah dekeda caalamiga ah ee Berbera oo maanta ay dhamaatay mudadii ay DP World balanqaaday inay ku balaadhinayso.”

 

 

 

Codsiga uu madaxweynihii hore ee somaliland Md Axmed Siilaanyo ula tagay madaxweynihii badalay ayey wararku sheegayaan inay u soo dhiibtay shirkada DP World, iyada oo ay hada muuqato inuu gabaabsi ku dhaw yahay wakhtigii ay shirkadaasi qabsatay inay ku balaadhiso dekeda Berbera balse aanay ilaa hada qaban wax muuqda.

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

591 Views




Features

  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
More FEATURES