FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
Gebo Gebo News

August 29th, 2018
FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.

“Si Ay Noqon Alle-Og LKN Ifafaalaheedu Waa Muuqdaa Dhankay Ujanjeedho Xukuumadan Curdin- Dhadhey”

 

 

 

Waxay jirtaa mudo ku siman 8bilood iyo maalmo, waxqabadkedu waa yar yahay, balse amaradeedu waa badan yihiin, sidoo kalena  Xaalada nabadgelyo ee Dalku maanta maaha Sidii xaalku ahaa markii ay Dalka la wareegtay.

 

 

 

Mudadii koobnayd ee ay shaqaynaysay Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si weyn ayay usaluugeen bulsho badan oo reer Somaliland ahi qaabka ay ushaqeynayso, waxaana ay qaaday xukuumadu talaabooyin ubadan sidii ay uheli lahayd dhaqaale badan oo kusoo xarooda khasnada Dawlada.  Ilo-badan oo dhaqaale oo  kujiray gacanta shirkado gaar loo leeyahay ayay xukuumadu kusoo celisay gacanta dawlada,

 

 

 

Xukuumada cusubi iyadoo dhuuniga dhaqaluhu shaqaynayo waxay kordhisay dhamaan ilaha cashuuraha ee dawlada usoo xaroonjiray ee ay kamid tahay badeecadaha kala duwan ee kasoo dega dekada oo lagu kordhiyay cashuurta (40%), waxay kaloo xukuumadu kordhisay dhamaan ilaha cashuureed ee kusoo xaroon jiray khasnada Dawlada.

 

 

 

Waxa ugu danbeeyay ee xukuumadani iyadoo ku raadjoogta  dhaqaale-raadis ay joojisay dhamaan cashuurdhaafkii loo samayn jiray warshadaha iyo shirkadaha dalka gudihiisa wax kusoo saara.

 

 

 

Kuma koobna kaliya digreetooyinka madaxweyne muuse biixi ee dhaqaaluhu intaasi ee waxa sii raaca in ,Madaxweynuhu ku adkeeyay wasaarada maaliyadu inay soo xarayso dhaqaale kabadan kii ay hore usoo xeryn jirtay.

 

 

 

Taas bedelkeeda waxa siweyn Dalka usaameeyey Dhaqaale yaraan taas oo ay bulshadu isku raacday inay sababtay xukuumada cusubi oo ay ubixiyeen “Dawlada Muuse-Handaraab”

 

 

 

Wey fiican tahay inay xukuumadu hesho dhaqaale badan si ay waxbadan uqabato balse ilaa hada ma jiro waxqabad ay bilowday xukuumadu marka laga reebo balanqaad afka baarkiisa ah.

 

 

 

Hadaba waxa isweydiin mudan bulshaduna ka faaloonaysaa halka uu mari doono dhaqaalahani sida xad dhaafka ah xukuumadu uraadjoogto, dad badan ayaa aaminsan in madaxweyne Muuse Biixi uu lasoo baxay wajigisii dhabta oo uu bilaabay salaankii uu ku noqon lahaa Taajir Soomaliyeed. Halka kuwo kalena aamin sanyihiin inaanu muuse biixi iska bedelayn qorshayaashii uu ku ololeyn jiray oo ugu horeeyaan inuu dalku yeesho waxsoosaar baaxad leh, taas oo uu dhaqaalaha gelin doono.  

 

 

 

 

Si Kastaba ha ahaatee Digreetooyinka isdaba jooga ah uu soo saaray Madaxweyne Muuse Biixi oo ay ku lamaan yihiin go,aamo cashuur kordhin ah oo uu soo rogay Gacanyarihiisa(wasiirka wasarada Maaliyada) ee ku wajahan dhaqaale-raadiska ayaa saamayn aan la mahadin ku yeelanaya bulshada waxaana aan la qarin Karin waxkasta oo xukuumadu cashuurta ku kordhisay inay ka go,an tahay bulshada oo ganacsatado ay ku kordhinayso.

 

 

 

 

Bulshada somalilanderka ah ayaa siweyn uga walaacsan qaabka ay dawladu uraadinayso dhaqaalaha oo sababi kara sixir barar labanlaabma iyo isku dhac sadex geesood uu dhexeeya ganacsatada, dawlada iyo shicibka danyarta.

 

 

 

 

Si kastaba xaalku ha ahaadee xukuumadii hore ee madaxweyne Siilaanyo ayaa dhaqaalaheeda ubadan ka raadin jirtay debada iyo maalgashiyo halka ay xukuumada cusub ee muuse biixina ay dhaqaaleheda ka dhexbaadhayso shacabka ku nool gudaha Somaliland, 

 

 

 

siday noqon Alle-Og laakiin xaalka xukuumadani curdin-dhadhey ayaa ku danbayndoonaa inay noqoto xukuumadka baxda Handaraabka ay hadeer ku jirto oo la dheefsado dhaqaalaheeda ama waxa xaalkeedu ku danbayn sida ay hadeer ifafaaleedu muuqda inay noqoto xukuumad ooman oo dhaqaale urursi iyo dano gaara lagu fushado laguna tunto shacabka danyarta ah.

 

 

 

 

Qore: Xabiib Cigge Xassan

Xabiibcige@gmal.com

376 Views

Features

  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
  • Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
More FEATURES