Wasiir Sacad Oo Sheegay In Soomaaliya Culays Ku Hayso Somaliland Eedana Ku Sagootiyay Michael Keating.
Gebo Gebo News

September 20th, 2018
Wasiir Sacad Oo Sheegay In Soomaaliya Culays Ku Hayso Somaliland Eedana Ku Sagootiyay Michael Keating.

Hargaysa (Gebogebonews)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Soomaaliya ku hawlan tahay baabi’inta raadka diblamaasiyadeed ee Somaliland tan iyo 2012 markii caalamku dib u citiraafay. Waxa kale oo uu eedo ka daba geeyay xoghayihii Qaramada Midoobay u qaabilsana Somaliland iyo Somalia Danjire Michael Keating oo dhawaan xilkaasi laga bedelay.

 

 

 

Wasiir Sacad oo ka hadlayay kulan ku saabsan aqoonsiga Somaliland oo ay qabanqaabiyeen ardayda heerka labaad ee jaamacadda Golis ka barata Siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ayaa sheegay in ay xoghayaha cusub ee Qaramada Midoobay u soo  magacowday Somalia/Somaliland rajaynayaan in ay ku qanciyaan qaddiyadda Somaliland.

 

 

 

 

“Laga soo bilaabo 2012 intii la citiraafay Somalia waxay nagu haysa olole iyo culays, meel walba oo aynu istaagno waxa ka go’an in ay raadkeena baabi’iyaan, shaqo kaleba ma leh. Dawladdan iyo kuwii ka sii horeeyay ba waxa loo doortay oo caalamku u taageera oo balaayiin dollar ugu bixiyaan in ay waddanka xasiliyaan, nabad ku soo dabaalan, maamul sameeyaan laakiin, ma sameeyaan, Somaliland uun bay xaasidideeda ka shaqeeyaan wax kale kama shaqeeyaan. Citiraafkiina way haystaan oo waydinka arkay Farmaajo diyaarad ba kama dago oo shirba shir ayuu u dhiiba ee Xamar ba ma joogo maaddaama ay tahay meel kulul oo hawl badan, marka meel walba waxa la siiya hab maamuuska madaxweynaha ilayn isaga haysta citiraafkiiye,” Sidaas ayuu yidhi Dr Sacad.

 

 

 

 

Geesta kale wasiirku wuxuu dhalliilay dhexdhexaadinimada Somaliland iyo Somalia ee wakiilkii Qaramada Midoobay Michael Keating “Michael Keating intii uu joogay saddexdii sano intii uu dalkeena yimid faro ku tiris ayay ahayd inta kale Xamar ayuu joogay. Runtii siyaasi caddaalad maaha si ay isaga ka noqotayba, waxaanu rajaynayna ergayga cusub in aanu si wanaagsan u wada shaqayno oo ka dhaadhicino qaddiyadda Somaliland,” Sidaas ayuu yidhi Dr Sacad.

 

 

 

Xilka wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya waxa dhawaan la wareegay Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Afrika in badana ka soo shaqeeyay Qaramada Midoobay.

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

273 Views

Features

  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
  • Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
More FEATURES