Madaxwayne Gaas oo markii ugu horeysay shaaciyay qorsho ay wadan Al-Shabaab iyo Daacish 
Gebo Gebo News

September 23rd, 2018
Madaxwayne Gaas oo markii ugu horeysay shaaciyay qorsho ay wadan Al-Shabaab iyo Daacish 

Muqdisho(Gebogebonews)Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horeysay amar duldhigay Hay’adaha amaanka maamulka.

 

Hogaamiye Cabdiweli Gaas, ayaa Saraakiisha Hay’adaha ku amray inay muujiyaan feejignaan dheeri ah,maadaama ay jirto Cabsidda ku aadan in Shabaab iyo Daacish ay Puntland weerar kusoo qaadaan.

 

Gaas, waxa uu Saraakiisha Hay’adaha amaanka ku wargaliyay inay suuragal tahay in deegaanada maamulka ay ka dhacaan weeraro ay maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish ku qalqal galinayaan dadka deegaanka.

 

Gaas, waxa uu laamaha Amniga maamulka Puntland u sheegay in ay muhiim tahay in adkeeyaan Amniga gobolka Bari oo inta badan ay ka dhacaan weeraro iyo dilal qorsheysan.

 

Waxa uu sheegay inay sii kordhayaan maleeshiyaadka ku sugan deegaanada maamulka sidaa aawgeed ay muhiim tahay in laga feejignaado duulaan ay maleeshiyada ku qaadan goobo muhiim ah.

Hogaamiye Gaas oo hadda ku sugan magaalada Boosaaso, waxa uu sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’addaha Ammaanka Puntland si looga hortaggo dilalka qorsheysan.

Si kastaba ha ahaatee, ammaanka magaalada Boosaaso ayaa faraha ka baxay bilihii lasoo dhaafay ka dib markii halkaasi siyaabooyin kala duwan loogu dilay dhalinyaro, Waxgarad iyo Ganacsato.

268 Views




Features

  • Xisbiga Waddani Oo Ganafka Ku Dhuftay Codsi Uga Yimid Guddida Doorashooyinka Somaliland
  • Daawo:Maayirka Magaalada Burco Oo Maanta Dhagax Dhigay Waddo Cusub Oo Laga Hirgalin Doono Xaafada Caqiibo Ee Magaalada Burco.
  • “ Shirka Burco Wuu Dhacayaa ” Suldaanka Guud Ee Habaryoonis Oo Ka Hadley Shirka Burco Iyo Sidii Uu Ku Soo Bilbaabmay.
  • Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland Oo Tababar U furay Shaqaale waynaha Hay’addaasi.
  • Askar Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Dil Iskugu Gaystay Magaalada Hargeysa Iyo Sababta Keentay.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
More FEATURES