Mustafe cagjar oo cadeeyay qorshaha kaga aadan saamiga ay Ethiopia shidaalka ka siisay DDSI
Gebo Gebo News

September 23rd, 2018
Mustafe cagjar oo cadeeyay qorshaha kaga aadan saamiga ay Ethiopia shidaalka ka siisay DDSI

JigJiga(Gebogebonews0-Madaxweynaha Ismaamulka DDSI Mustafe Maxamed Cumar, ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu dib u eegis ku sameyn doono saamiga shidaalka ee dhulka Soomaalida.

Mustafe Maxamed Cumar, oo u waramaayay warbaahinta ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in shacabka DDSI ay helaan saamigooda shidaalka si loo helo wadashaqeyn wanaagsan oo dhexmarta maamulka iyo dowlada Ethiopia.

Mustafe Maxamed Cumar, waxaa uu sheegay in isaga kaligii uusan sixiixi karin saamiga laga siinayo Soomaalida iyo dadka deggan agagaarka Magaalada Shillaabe, balse uu la kaashan doono dowlada Ethiopia oo talada qeyb ka leh.

Madaxweyne Mustafe waxa uu cadeeyay in xitaa talada ay qeyb ka leeyihiin dadka Soomaalida ah ee Gobolka leh, waxa uuna carab dhabay inay xaq u leeyihiin inay ka doodan saamigooda.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa raaciyay in dowladda dhexe ay kala hadlayaan saamiga dhabta ah ee Soomaalida ay ka yeelaneyso shidaalka si looga gudbo tuhunka ku jira Soomaalida deegaanka.

Haddalka Mustafe Maxamed Cumar ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu weli muran weyn ka taagan yahay saamiga ay dowlada Ethiopia Soomaalida ka siisay shidaalka laga qoday dhulka maamulka.

244 Views




Features

  • Xukumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Khilaafka Diblomaasiyadeed Ee Soomaaliya Iyo Kenya
  • Daawo:Beel Sida Fiinta Uga Qaylisay Ciidammo Hubaysan Oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Geliyey, Madaxweyne Biixi-na Farriin U Diray
  • Sidee Ayay Dalalka ula Dhaqmaan Dadka Ka Soo Goosta Daacish?
  • Daawo:Badhasaabka Gobalka Maroodijeex Oo Maanta  Hargeysa Ka Ambabixiyay 431 Arday Ee Ku Guulaystay Barnamijka  Shaqo Qaran.
  • Daawo:Xukuumada Somaliland Oo Si Adag Ugu Jawaabtay Hadlo ka Soo yeedhay Madaxwaynaha Maamul Gobaleedka Puntilnad.
  • Daawo:Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Socod Lug Ah Kaga Baxay Madaxtooyada Somaliland +Halka Uu Ku Sii Jeedo
  • Shaqaalihii Dawladda Oo Mushaharkii Laga Handaraabay Iyo Xukuumadda Oo Tahlikari weydey Bixinta  Mushaharaadkii.
  • Saddex Shuruudood Oo Dawlada Kenya Ku Xidhay Soo Celinta Xidhiidhka Soomaaliya
  • Daawo “Udul Qaadan Mayno Inay Caayan Madaxweyaheena Muuse Biixi   Kurayda Yar Yar Ee Beenta Iyo Cayda Lagusoo Dalacsiiyay Ee Xibiga Wadani
  • Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Xoggo ku Saabsan In Dawladda Ruushku Saldhig Millatari Ka Samaysanayso Xeebaha Somaliland.
  • Daawo:Gudoomiyaha Degmada Qoryaale Oo Ka Hadlay Xaalad Biyo La’aaned Oo Ka Jirta Degmadaasi.
  • Daawo:Maamulka Gobolka Togdheer Oo Magaalada BURCO Ka Ambabixiyey Ardayda Ku Guulaysatay Barnaamijka Shaqo Qaran.
  • Daawo:Ex Madaxweyne Silaanyo Oo Maanta Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Dalka.
  • Somaliland Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Somaliya.
  • Xaaladda Ay Ku Sugan Yihiin 4 Kamid Ah Maal-Qabeenadii Sucudiga Ahaa Ee Loo Xidhay Musuq Maasuqa.
More FEATURES