Wasiirada Maaliyada Iyo Arimaha Gudaha Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Khilaaf Cakirani Ka Dhex Qarxay +  Maxaa La Isku Qabtey.
Gebo Gebo News

September 23rd, 2018
Wasiirada Maaliyada Iyo Arimaha Gudaha Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Khilaaf Cakirani Ka Dhex Qarxay +  Maxaa La Isku Qabtey.

Hargeysa (Gebogebonews)- Wasiiradda Wasaaradaha ArrimahA Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi ayay deeradu dhex miranaysaa, waxaana dibada u soo baxay khilaafka labada Wasiir oo ka mid ah Wasiiradda ugu miisaanka Culus Xukuumada Madaxweyne Biixi.

 

 

Khilaafka Labada Wasiir ee Maxamed Kaahin Axmed iyo Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa ka danbeeyay ka dib markii Laba Degmo oo ku yaala Bariga Somaliland oo Xukuumadda Dhexe Barnaamijka Horumarinta Ee JPLG ugu dartay Miisaaniyadda Xukuumadda Dhexe uu Wasiirka Maaliyaddu ka saaray.

 

 

Maxamed Kaahin Axmed Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sida ay ilo xog’ogaal ahi u sheegeen warbaahinta weydiiyay Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Halka uu ku danbeeyay Qoondada Labadaasi Degmo oo loogu talo galay in lagu horumariyo Lacag Dhan $500,000, hasayeeshee Wasiirka ayaa u sheegay Maxamed Kaahin in aanay wakhtigan suurtogal ahayn, balse uu ka war sugo.

 

 

Muddo markii ay ka soo wareegtay ayuu mar kale Wasiir Maxamed Kaahin ku soo rogaal celiyay Wasiirka Maaliyadda, waxaanu waydiiyay isla su’aashii hore ee daaranayd in uu baadi doonkeeda galo dhaqaalahaasi loogu talo galay Labada Degmo, balse markan ayuu afku ka xumaaday labada Wasiir, waxaana uu warku intaasi ku darayaa in ay ka gaadhay heer ay salaanta isla dhaafaan.

 

 

 

Ma jiro war intaas dhaafsiisan oo ka soo baxay labada Wasiir, waxaanay noqonayaan labadii Wasiir ee ugu horeeyayee kala xukuma laba wasaaradood ee is maandhaafkoodu dibada u soo baxo.

 

 

Goboladda Bariga Somaliland ayaa ka danbeeya Dhinaca Horumarka Goboladda Galbeedka, waxaana inta badan cabashooyin ay ka soo yeedhaan Dadka shacabka ah iyo masuuliyiinta deegaankaasi.

 

 

Lama garanayo in mashruucaasi lagu horumarinayo Deegaanadda Gobolada Bariga ee ay ku jirto labada degmo ee khilaafka ka dhex abuurtay labada wasiir uu halkaasi ku joogsan doono iyo in xal loo helo doono.

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

714 Views




Features

  • Xisbiga Waddani Oo Ganafka Ku Dhuftay Codsi Uga Yimid Guddida Doorashooyinka Somaliland
  • Daawo:Maayirka Magaalada Burco Oo Maanta Dhagax Dhigay Waddo Cusub Oo Laga Hirgalin Doono Xaafada Caqiibo Ee Magaalada Burco.
  • “ Shirka Burco Wuu Dhacayaa ” Suldaanka Guud Ee Habaryoonis Oo Ka Hadley Shirka Burco Iyo Sidii Uu Ku Soo Bilbaabmay.
  • Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland Oo Tababar U furay Shaqaale waynaha Hay’addaasi.
  • Askar Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Dil Iskugu Gaystay Magaalada Hargeysa Iyo Sababta Keentay.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
More FEATURES