Madax-dhaqameedka Beelaha Habar-jeclo Oo Ku Gacan Saydhay Dalab Kaga Yimi Xukuumadda Madaxweyne Biixi Iyo Arimaha Laysku Diiday.
Gebo Gebo News

September 28th, 2018
Madax-dhaqameedka Beelaha Habar-jeclo Oo Ku Gacan Saydhay Dalab Kaga Yimi Xukuumadda Madaxweyne Biixi Iyo Arimaha Laysku Diiday.

Burco (Gebogebonews)-Xubno isugu jira Xildhibaano Iyo Wasiiro ka Tirsan Xukumada somaliland ayaa xalay kulan la qaatay qaar kamida salaadiinta iyo cuqaasha beesha bariga burco.

 

Kulankani oo ay Marti Qaadkiisa La Haayen wasiirada Ka Tirsan Xukumada Madaxweyne Biixi Islamarkaasina xogtiisa la ilaaliyay ayaa Xogaha Aanu Helay Ay Sheegayn Inu Kulankani Ujeedadiisu Ahayd sidii ay xubnahan xukuumadda ka socdaa ay salaadiinta habar-jeclo ugu qancin lahaayeen in muddo lix bilood ah dib loo dhigo shirweynaha ay beeshaasi ku baaqday dabayaaqadda sanadkani inuu qabsoomo,hase yeeshe waxa codsigaasi ku gacan saydhay Salaadiintii ka qayb gashay Kulankaasi iyagoo xubnahan ka socda xukuumadda si cad ugu sheegay in go’aamadda iyo taladda beeshaasi aanay cidina usoo liqimi karin cid kale shirkaasina ku qabsoomaayo xiligii la qorsheeyay,Waxaana halkaasi hungo kala hoyday xubnihii xukuumadda ka socday.

 

 

Xubanaha xukuumadda ka tirsan ee shirkani ka qayb galay ayaa kala ahaa Wasiirka Macdanta iyo tamarta jaamac maxamuud cigaal,Wasiirka xidhiidhka golayaasha iyo dastuurka Maxamed xaaji aadan, Wasiirka Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Hinda Jaamac Gaani ,wasiirka xanaanada xoolaha Iyo Kaluumaysiga Xasan gaafaadhi,Maareeyaha qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka Cabdikariin Xinif iyo Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) Oo Ka Tirsan Golaha Wakiilada.

 

 

 

Beesha Bariga Burco ayaa shirweyne ballaadhan ku baaqday inay qabsanayaan dabayaaqada sanadkani,balse waxa diidmo xoogan iyo walaac ka muujisay xukuumadda Somaliland.

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

1540 Views




Features

  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
More FEATURES