Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
Gebo Gebo News

December 22nd, 2018
Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.

Hargeysa (Gebogebonews)- Dawladda Maraykanka ee maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa cadaysay mawqifka dalkaas ee aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika danjire Tibor Nagy, ayaa shalay ka qayb galay barnaamij su’aalo toos ah lagu weydiinayay oo ku saabsanaa siyaasadda cusub ee Maraykanka ee ku waajahan Afrika, waxaana su’aal weydiiyay Siciid Ismaaciil Ibraahim oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo madax ka ah shabakadda Somaliland Chronicle. Su’aasha la weydiiyay danjire Tibor Nagy, ayaa ahayd



 

 

 

 

“Maraykanku wuxuu ku dhawaaqay inuu Soomaaliya siinayo deeq ku dhow hal bilyan inkasta oo uu ka jiro musuq maasuq baahsan iyo nabadgelyo darro sii xumaanaysa. Dhinaca kele Somaliland waxay ahayd dal nabad iyo dimoqraadiyadi ka jirto 27 sanadood ee u dambeeyay. Muxuu Markaaynku si macne leh ugula shaqayn waayay Somailand?

 

 

 

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka oo ka jawaabaya su’aashan ayaa sheegay in markasta oo uu meel ka hadlo la soo hadal qaado su’aasha ku saabsan qaddiyadda Somaliland, waxaanu danjire Tibor Nagy ku jawaabay  “Su’aasha Somaliland mar walba oo aan hadlo way soo baxdaa ama barnaamijkan oo kale aan ka qayb galo.  Somaliland waxaay leedahay dood sharci oo ay soo bandhigto. Dabcan taas waa in lagaga go’aan gaadho meesha ku haboon.



 

 

 

 

 

Maraykanku caadiyan markay noqoto ictiraafka dal Afrikaan ah, wuxuu la tashadaa Midowga Afrika. Is haysashada dhul ahaaneed ee dalka Soomaaliya waa arin muhiim u ah Midowga Afrika. Markaa Maraykanku wuxuu la dhaqmaa dawladda Muqdisho. Waxaanu intii awoodayada ah samaynaynaa inaanu xoojino dalwaddaas dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba. Markaa xiligan siyaasadda Maraykanku waa inay la dhaqmaan dawladda Muqdisho si loola shaqeeyo dawlada Muqdisho, si loo xoojiyo qaybtaas Geeska Afrika ka tirsan.”

 

 

 

 

 

Source:- Geeska

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

1577 Views




Features

  • Daawo:Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland Oo Qaadayacay Gudida Doorashooyinka La Ansixiyay.
  • Daawo:Culimada Haweenka Qaadiriyada Magaalada Burco Oo Siweyn U Xusay Dhalashada Nabigeena Muxamed (NNKH).
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
More FEATURES