Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
Gebo Gebo News

December 30th, 2018
Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.

Hargeysa(Gebogebonews)-Shirkadda Imaaraadka Carabta ee DP World ayaa wax ka beddeshay qorshaheedii dekedda Berbera, waxaana ay hoos u dhigtay muhiimaddii dekeddaas, Waxaana la sheegay inaysan dooneyn inay maal-gelin buuxda ku sameyso dekedda Berbera, sida qorshuhu ahaa.

 



 

 

 

 

 

 

Kulan uu guddoomiayah DP World Sultan Ahmed Bin Sulayman la yeeshay, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu u gudbiyey dhowr arrimood oo walaac uu ka qabo.

 

 

 

Sultan Ahmed ayaa sheegay in DP World ay mar kasta hoggaamiso rabitaanka dowladda Ethiopia, maadaama Ethiopia ay tahay kalyantiga kaliya ee la qorsheeyey in dekedda uu isticmaalo, islamarkaana DP World ay sidoo kale maamuleyso dekedda Assab ee Eritrea. Tani waxa uu macanaheedu yahay haddii Ethiopia ay doorbideyso dekedda Assab, sababo siyaasadeed dartood, waxa ay DP World ku qasban tahay inay xoogga saarto dekedda Assab, taasi oo saameyn ku yeelan doonta horumarintii la qorsheeyey in DP World ay ku sameyso dekedda Berbera.



 

 

 

 

 

Markii heshiiska Bebera ay galeen Somaliland iyo DP World, Eritrea waxay ku jirtay go’doon siyaasadeed, waxaana Ethiopia maamulayey Hailemariam Desalegn. Isbeddelkii deg degga ahaa ee dhacay iyo imaatinkii Abiy Ahmed, oo xoogga saaray inuu soo dhoweysto Eritrea, ayaa wax walba beddelay, caqabadna ku noqday Somaliland.

 

 

 

 

Waxaa durba jira astaamo muujinaya in Ethiopia doorbideyso dekedda Assab. Dhowaan Addis-Ababa waxay ku gacan seertay codsi ka yimid Hargeysa oo ku saabsanaa in la dhiso dhuun gaas ah oo shidaalka kasoo qaadda dhulka Soomaalida ama Killinka Shanaad, marka shidaalka laga soo saaro, lagana dhoofiyo dekedda Berbera.

 



 

 

 

 

 

 

 

Wararka ayaa sheegaya in Ethiopia ay doorbideyso dekedaha Assaba ama Jabuuti midkood, dhuunta shidaalkana dhinacaas la mariyo.

Dhinaca kale, isaga oo amar ka helaya ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Workeneh Gebeyahu waxaa la sheegay inuu hor-istaagay in wafti ka socda Ethiopia ay ka qeyb galaan xafladdii furitaanka dekedda Berbera ee dhacday 11-kii October 2018.

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

1430 Views




Features

  • Baarlamaanka Ingiriiska Oo Lagu Soo Bandhigay Qaddiyada Madax banaanida Somaliland.
  • Daawo:Magalada Burco Oo Laga Furay Tartan Ciyaared Loogu Magac daray Bidhi Caap.
  • Madaxweyne Biixi Oo Xil Ka Qaadis Iyo Magaacis Cusub Sameeyey.
  • Maxay Ka Wada Hadleen Safiirka Somaliya Ee UK Iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland
  • Shuruuddii Ugu Adkayd Oo Jarmalku Ku Xidhay Dugsiga Farsamada Gacanta Burco.
  • Xooghayihii Xisbiga Wadani Ee Wadamada Carabta Amb Safiina Oo Is Casilay Iyo Sababta..
  • Aqoonyahan Ka Tirsanaan Jiray Xisbiga KULMIYE Oo Muqdisho Kaga Dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed Cusub.
  • Dhacdo Murugo Leh Oo Ka Dhacday Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa & Wiil Yar Oo oxygen La’aan Ugu Geeriyooday.
  • Hantidhawrka Qaranka Oo Baadhis Ka Bilaabay Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Somaliland + Dareenada Ku Xeeran.
  • Abwaan Weedhsame Oo Ka Hadlay Dacwad Laga Gudbiyey Iyo Bandhig Sugaaned Xukumadu Ka Joosisay.
  • ” Madaxweyne Laba Isku Heli Maysid ” Hogaamiye Xirsi Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Biixi,Komishanka Dooroshoyinkana Ugu Baaqay Inay Iscasilaan.
  • Qaramada Midoobay Oo Ku Soo Biirtay Dhexdhxaadinta Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya.
  • Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Sheegay In Ganacsiga Ay Wadaagaan Somaliland Uu Aad U Koray Mudadii Uu Xilka Hayay.
  • ” Xadhigaygu Xaqdaruu Ahaa” Siyaasi  Ramaax Oo Ka Hadlay  Xadhigii Ay Xukumadu Kula kacday.
  • Mas’uul Kasoo Goostay Maamulka Puntland Oo Xukuumadda Somaliland Ku Soo Dhawaysay Deegaanka Tuka-raq.
More FEATURES