Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
Gebo Gebo News

February 12th, 2019
Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.

Hargaysa (Gebogebonews)- Saddex masuul oo xilal wasiirnimo oo kala duwan ka soo qabtay xukuumadii Axmed-siilaanyo ayaa  toddobaadkan ka degay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

 

Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in saddexda masuul kala yihiin Wasiirul dawlihii Cadaaladda Khadar Axmed Diiriye, Wasiir-xigeenkii qorshaynta Axmed Aadan Ismaacil (Kayse) Wasiir-xigeenkii caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil oo isaga uu Siilaanyo xilka ka qaaday ka hor ololihii doorashadii madaxtooyada ee 2017. Khadar iyo Axmed-kayse ayaa iyagu Siilaanyo la dhammaystay wakhtigiisii.

 

 

Si rasmi ah looma garanayo ujeedada rasmiga ah ee ka dambaysa socdaalka ay saddexdan masuul ee xilalka soo qabtay ay ku tageen magaalada Muqdisho, lamana garan karo in socdaalkoodu yahay mid siyaasadeed iyo inuu ku saabsanyahay dano shakhsi.

 

 

Wargeyska Geeska Afrika oo isku dayay inuu masuuliyiintan la xidhiidho si aanu wax uga weydiino socdaalkooda ayaanay noo suurtogelin.

 

 

 

Wasiirul dawlihii cadaaladda Khadar iyo wasiir-xigeenki qorshaynta Axmed-kayse ayaa iyagu ka tirsanaa golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee KULMIYE,  halka uu wasiir-xigeenkii Caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil oo uu Siilaanyo xilka ka qaaday uu isagu ka tirsanyahay golaha dhexe ee xisbiga Waddani oo uu ku biiray.

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

1601 Views




Features

  • Baarlamaanka Ingiriiska Oo Lagu Soo Bandhigay Qaddiyada Madax banaanida Somaliland.
  • Daawo:Magalada Burco Oo Laga Furay Tartan Ciyaared Loogu Magac daray Bidhi Caap.
  • Madaxweyne Biixi Oo Xil Ka Qaadis Iyo Magaacis Cusub Sameeyey.
  • Maxay Ka Wada Hadleen Safiirka Somaliya Ee UK Iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland
  • Shuruuddii Ugu Adkayd Oo Jarmalku Ku Xidhay Dugsiga Farsamada Gacanta Burco.
  • Xooghayihii Xisbiga Wadani Ee Wadamada Carabta Amb Safiina Oo Is Casilay Iyo Sababta..
  • Aqoonyahan Ka Tirsanaan Jiray Xisbiga KULMIYE Oo Muqdisho Kaga Dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed Cusub.
  • Dhacdo Murugo Leh Oo Ka Dhacday Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa & Wiil Yar Oo oxygen La’aan Ugu Geeriyooday.
  • Hantidhawrka Qaranka Oo Baadhis Ka Bilaabay Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Somaliland + Dareenada Ku Xeeran.
  • Abwaan Weedhsame Oo Ka Hadlay Dacwad Laga Gudbiyey Iyo Bandhig Sugaaned Xukumadu Ka Joosisay.
  • ” Madaxweyne Laba Isku Heli Maysid ” Hogaamiye Xirsi Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Biixi,Komishanka Dooroshoyinkana Ugu Baaqay Inay Iscasilaan.
  • Qaramada Midoobay Oo Ku Soo Biirtay Dhexdhxaadinta Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya.
  • Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Sheegay In Ganacsiga Ay Wadaagaan Somaliland Uu Aad U Koray Mudadii Uu Xilka Hayay.
  • ” Xadhigaygu Xaqdaruu Ahaa” Siyaasi  Ramaax Oo Ka Hadlay  Xadhigii Ay Xukumadu Kula kacday.
  • Mas’uul Kasoo Goostay Maamulka Puntland Oo Xukuumadda Somaliland Ku Soo Dhawaysay Deegaanka Tuka-raq.
More FEATURES