#Biixi bay tiisii noqotay !!!!!!By Abdisataar Sabri
Gebo Gebo News

February 21st, 2019
#Biixi bay tiisii noqotay !!!!!!By Abdisataar Sabri

20-kii Bishii November sanadkii dhamaaday ee 2018 magaalada Burco M/weyne Muuse Biixi Wuxuu ka yidhi hadal mudhbaxay oo sitoos ah Ethiopia uu ugu diray kaas oo ahaa mawqif cad

M/weynaha Somaliland Muuse Biixi wuxuu soo qaatay laba bayd oo suugaana, waxa waa hore curiyay alle haw naxariisto’e Gabyaagii caanka ahaa ee Qabaan Bulxan Waa laba bayd ee ah

“Masalaha nimaan iidhigayn midig Masaaraayo,
Ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho”

Sikastoo loo rogrogo oo loo dhuuxo labadaas bayd , haddana marka aad tahay qof hundo og heerka uu joogay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya xilliga uu Madaxweyne Biixi sida lahaa, Macnawiyan kollayba waad fahmaysaa in M/weyne Biixi fariin cad iyo mawqif tuf leh uu udiray Adis ababa taas oo abaarteeda siyaasadeed sugan tahay ..

M/weynaha Somaliland hadii aynu ujeedadiisa naqdino Wuxuu yidhi am intaas “Masalaha nimaan iidhigayn midig Masaaraayo” waxay ahayd fariin aan aan ubaahnayn fasiraad diblumaasiyadeed hadiise aan fahmay oo aan calooshiisa daahan Hud hud ii soo basaastay Madaxweyne Biixi wuxuu si toos ah ula hadlay Dr abiy taas oo aan qabo inuu ku saxanaa sababtoo hadii uu yidhi M/weyne Muuse Biixi yidhi midigtayda saarimaayo oo utegi maayo Ra’iisal Wasaare Dr Abiy jeeroo Xurmo iyo milgo dawladnimo aan ka arko haysku filnaado miyaanu asiibin isagoo taasna kusababeeyay inuuu ilaalinayo Sharafta guud ee dalkiisa iyo huyuunta Ummadiisa Heellan. .

Markale wuxuu yidhi M/weyne Muse Biixi

“Ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho” haddii ay u caddayd in dawladda abiy xilligaa isku dayaysay curinta qorshe ay kaga maarmayso xidhiidhka saaxiibtinimo ee rubuc qarniga soo socday ee ay Somaliland la lahayd saw ma ahayn madaxweyne biixi go’aankiisa inuu cadeeyo oo uu yidhaahdo Hadaad iga maarantaan Anna wax ba idiin ma ogi. ….Haddaba Madaxweyne weyne Biixi kama shalaynin hadalkaas, bal waa buu mahadiyay
Dr abiy axmed wax waliba markii ay ukala cadaadeen Runtii ayuu ku soo dhawaaday oo waakaa caawa Muuse Biixi Qasrigiisa ku Casuumay ee Ay dhex taal garta sharciga ahi.

Maxaa dhacay markii Muuse Biixi Cabdi tiisa ay noqoto waxaa dhacday oo muuqata in ay kala shakiyeen kuwii ku farxsanaa in Ethiopia iyo Somaliland kala xidhiidh furtaan balse ufiirso farmaajo sidaa Shacabkiisu caawa uga walaacsan yihiin mustaqbalkiisa , kala shakiyi xaqiiq kudhisan oo ah dareen Dadwayne iyo Awooda Dawladeed oo igman ayaa waxa dhextaal dood kala fog oo soo bilaabantay 24-kii Saacadood ee udanbeeyay taas oo furan.

Waxay dooda shacabka iyo mucaaradka Somaaliya odhanaysaa Madaxweyne Farmaajo been baad noo sheegay Somaliland tii aad nagu tidhi Waan soo Handaraabay waata Ethoipia u anbabaxday ee laga maarmi waayay. Madaxweyne Maxamed wuxuu isagu dhankiisa ku afgubaadsanayaa Wax waliba waasidoodii oo Buntland iyo Jabba land iyo maamulada kale ayaan Anigu handaraab iska daaye aan kasoo wada qafilay Ethoipia somaliland iyaga si kale ayaynu uwada hadlaynaa waayo wada hadal ayaa inoo furan.

Qalinkii// Abdisataar Sabri

78 Views




Features

  • Dawladda Itoobiya Oo Ka Hadashay Khariiradda Ay Daabacday Ee Muran Badan Dhalisay.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
More FEATURES