GOBLAN TALO ADDUUNYOOW, MAXAAD GELINBA WAA-JOOGTAY? Qormadii 1aad.
Gebo Gebo News

February 23rd, 2019
GOBLAN TALO ADDUUNYOOW, MAXAAD GELINBA WAA-JOOGTAY? Qormadii 1aad.

Inqilaabkii dalka Soomaaliya ka dhacay 1969 kii, Saraakiishii afgembigaas dhigtay waxay ka faaiidaysteen rabitaanka shacabka oo khadyaan ka istaagay tayo daradii, qaraabo-kiilkii, qabyaaladii iyo musuqmaasuqii xadhkaha goostay ee ay ku kacaeen dawladihii rayidka ahaa ee xukunka isaga danbeeyay sanadihii 1960-69 kii, oo noqday kuwo hungo baday quluubta shacabkii midhaha xoriyada gurashadeeda u jeel qabay, taasina waxay keentay in shacabku gacmo lulan ku qaabilo afgembigii Milaterigu sameeyeen, iyagoo ka warqabin mustaqbalka aan hubantida lahayn ee kusoo wajahnaa.

Inkastoo, weedho aad u qurux badan iyo balanqaadyo toolm oon oo horumarinta dalka ku aadan ay soo bandhigeen saraakiishii inqilaabta dhigtay, waxqabad lagu diirsaday oo yididiilooyin huwana ay la yimaadeen sanadihii u horeeyay cimriga inqilaabkooda,Nasiib darro,, sanado kooban kadib, Ciidamadii xukunka qabsaday waxay u dhurteen midabkii iyo muuqaalkii dhabta ahaa ee ay lahaayeen, iyagoo markiiba dhexdoda iskaga horyimi, qaar ka mid ahna dhegta dhiiga loo dary, qaar kalena xabsiyadda loo diray, Eexdii, qaraaba-kiilkii iyo dhacii maalka umaduna meel sare ayuu gaadhay, waxaanay tani gogosha u xaadhay asaasistaankii jabhado sheegtay xaq-u-dirir oo aan iyaga laftooda la mahadin natiijadoodii. Inta badan fashilka ku yimi kacaanka waxaa loo aaneeyaa hogaamiyihii kacaanka General Maxamed Siyaad Barre oo nidaamkii dawliga ahaa u rogay mid qabali ah si uu xajisto kursiga, uguna waaro awooda qalinka iyo hogaaminta majaraha qaranka, isagoo meel kasta oo uu ka dareen qabay in looga soo dhici karo u dhiibtay mid ehelkiisa amaba qabiilkiisa kasoo jeeday.

Jabhadii ugu horaysay ee dagaal hubaysan kala hortagta Keligii Taliye Maxamed Siyaad Barre waxay ahayd SSDF oo hogaamiye uu ka ahaa Korneyl Abdulaahi Yuusuf Axmed (Madaxweynihii hore ee Soomaaliya), habka iyo qaabka lagu aasaasay Jabhadani wuxuu ahaa mid qabiilaysan ama reeraysan, 97% salka jabhadaasi ka unkanayd waxay ahayd qabiilka Majeerteenka ee uu ka Dhashay Kormeyl Abdilahi Yusuf, taasoo aan waxba ka gedisnayn dhabihii Generaal Barre lagu dhaliilayay ee ahayd inuu qabiilkiisa ku wareejiyay awoodii qaranku wada lahaa, Hubaashuna waxay ahayd inay caddeyd……….la soco Qormadda 2 ad…….

Qalinkii: Hussein Mohamed Mohamoud (Hussein-laki)
Burco.

47 Views




Features

  • Daawo:Tirada Dad Ugeeriyooday Xanuunka Gawracatada Oo Ka Dilaacay Gobolka Saraar Iyo Masuulinta Gobalkaasi Oo Ka Hadlay.
  • Daawo:Madaxweyne Biixi Oo Masuliyinta Gudida Qandaraasyada Qaranka Ku Tilmaamay Masuuliyin Ka Dhabeeyeen Himiladii Qaranku Lahaa.
  • Daawo:Khudbad Sanadeedkii Madaxweyne Muuse Biixi Ka Hor Jeediyey Golaha Baarlamaanka.
  • Madaxweyne Biixi Oo Maamulka Puntland Ku Eedeeyay Inay Ciidammo Falal Amni Darro Ah Wada Soo Geliyeen Gudaha Somaliland.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES