“Ciidanka Booliska Somaliland Dambiilayaal Adeegayaal Iska-Dhigaya” Qalinka: Prof: Maxamuud Xamdi
Gebo Gebo News

March 3rd, 2019
“Ciidanka Booliska Somaliland Dambiilayaal Adeegayaal Iska-Dhigaya” Qalinka: Prof: Maxamuud Xamdi

Fasalkaasi aan xiisada u dhigaayay waxay doodiisu xiiso gaar ah iigu yeelatay maadaama ardayda dhiganaysay ay isugu jireen da’o kala duwan laga bilaabo 22 jir ilaa 50 jir, taasoo ay xitaa ku jiraan kuwo ka mid ahaa jabhadii SNM, halka shaqooyinkooda hadda ay ku filiqsan tahay qaybaha kala duwan ee bulshada, taasina ay aragti kala duwanaasho weyn siinayso doodda.

Doodaayadu waxay socotay ugu yaraan laba saacadood, taasoo ahayd su’aalo is-weydaarsi iyo inuu dacal walba soo bandhigo caddaymo uu ku xoojinaayo aragtidiisa, in kastoo xiisadaha aan dhigo aan mar walba ardayda ku dhiirigaliyo inay doodaan, isla markaana aan isla qodobkan hore uga doodnay fasalo kale oo ka horreeyey, laakiin arrinta igu kaliftay in aan qormadan ka diyaariyo doodaasi wakhtigan waxay tahay laba sababood dartood:

Wacyi bulsheed oo soo kobcaaya maalmahan dambe oo soo fahmaaya xaqiiqada booliska, taasoo aan jecelahay in aan kaalin ka qaato kobcintiisa, iyadoo ay suuragal ahaan lahayd in haddii hal sano ka hor aan soo bandhigi lahaa aragtidan in aan ku keliyeysan lahaa.
in aan awdo doodo-jaban oo caqliga khilaafsan oo lagu wiiqi karo fahanka waaqaca dhabta ah ee booliska oo ah inay yihiin dambiilayaal doonaaya inay noqdaan dambiilayaal sharfan.
Aniga mawqifkaygu wuu caddaa oo waa ka sawirka ka muuqda, taasoo aan ku xusay si faah-faahsan buugga aan qoray ee magaciisu yahay (Xor Ma Tahay?) kaasoo ah in Booliska Somaliland yahay dambiilayaasha bulshada, isla markaana ay xoog iyo muquunin ku kasbadeen shaqadooda, bulshaduna ay cabsi darteed arrintaasi uga yeeshay, iyadoo ay dooddayda ka dhalanayso in aanay suuragalba ahayn in ciidamada booliska Somaliland laga filo inay sharci ilaaliyaan ama inay ku dhaqmaan.

La Soco Qaybta 2aad….

F.G: iibso buugga (Xor Ma Tahay?) si aad qaab cilmiyaysan u fahantid nuxurkan, ka eeg faah-faahinta badhinkan (https://mxamdi.files.wordpress.com/2019/02/koobidda-buugga-xor-ma-tahay-ilaahay-keliya-addoon-u-noqoxamdi.pdf?fbclid=IwAR3f0RK_msafjNWqqJjN7BfduwWEOg_gJV4NLfszisBU77CB_nL4lwyKrW

Fiiro Gaar Ah:

Shabakadda Somalilandtoday marnaba masuul kama aha Ra’yiga Qoraha Sharafta leh waxaanay aragtidu ku kooban tahay Qoraaga maqaalka.

59 Views




Features

  • Dawladda Itoobiya Oo Ka Hadashay Khariiradda Ay Daabacday Ee Muran Badan Dhalisay.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
More FEATURES