Madaxweyne Ku-Xigeenka JSL Oo Sagootiyey Saddex Orodyahan Oo Somaliland Ku Metelaya Tartan Caalami Ah Oo Ka Dhacaya Dalka Jabuuti.
Gebo Gebo News

March 12th, 2019
Madaxweyne Ku-Xigeenka JSL Oo Sagootiyey Saddex Orodyahan Oo Somaliland Ku Metelaya Tartan Caalami Ah Oo Ka Dhacaya Dalka Jabuuti.

Hargeysa(Gebogebonews)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sagootiyey saddex dhallinyaro ah oo magaca dalka Jamhuuriyadda Somaliland kaga qaybgelaya tartan dhinaca orodka ah oo lagu qabanayo dalka Jabuuti.

 

Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa la dardaarmay dhallinyaradan tartanka ka qaybgelaysa, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay maanka ku hayaan sidii ay guul ugu soo hoyn lahaayeen qarankooda, islamarkaana ay aaminaan inay rumayn karaan hammigooda ah inay tartankaas ka geli karaan kaalmaha hore.

 

 

Dhallinyaradan u amba-baxday tartanka ay kaga qayb-gelayaan dalka Jabuuti, ayaa kala ah Xamse Bade Macallin oo ka qaybgeli doona orodka 3000M (Saddexda kun ee mitir), Cismaan Cilmi Sheer oo ka qaybgeli doona orodka 5000M (Shanta kun ee mitir), Khaalid Xuseen Yuusuf oo ka qaybgeli doona orodka 800M (Siddeedda boqol ee mitir) iyo Mustafe Cabdiraxmaan Xaddi oo ah guddoomiyaha ciyaaraha fudud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Image may contain: 3 people, people sitting

Image may contain: 5 people, people sitting and indoor

Image may contain: 7 people, people standing

 

 

100 Views




Features

  • Daawo:Tirada Dad Ugeeriyooday Xanuunka Gawracatada Oo Ka Dilaacay Gobolka Saraar Iyo Masuulinta Gobalkaasi Oo Ka Hadlay.
  • Daawo:Madaxweyne Biixi Oo Masuliyinta Gudida Qandaraasyada Qaranka Ku Tilmaamay Masuuliyin Ka Dhabeeyeen Himiladii Qaranku Lahaa.
  • Daawo:Khudbad Sanadeedkii Madaxweyne Muuse Biixi Ka Hor Jeediyey Golaha Baarlamaanka.
  • Madaxweyne Biixi Oo Maamulka Puntland Ku Eedeeyay Inay Ciidammo Falal Amni Darro Ah Wada Soo Geliyeen Gudaha Somaliland.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES