Baarlamaanka Ingiriiska Oo Ammaanay Kartida Iyo Dedaallada Gabadh Reer Somaliland Ah + Magaca Haweenaydan Iyo Waxyaabaha Ay Amaanta Ku Mutaysatay
Gebo Gebo News

March 13th, 2019
Baarlamaanka Ingiriiska Oo Ammaanay Kartida Iyo Dedaallada Gabadh Reer Somaliland Ah + Magaca Haweenaydan Iyo Waxyaabaha Ay Amaanta Ku Mutaysatay

London (Gebogebonews) -Xeerka Caruurta oo Baarlamaanka Ingiriiska ansixiyey ayaa si weyn loogu amaanay kaalinta ay ka qaadatay u ololayntii wax-ka-bedelkiisa gabadh asalkeedu ka soo jeedo Jamhuuriyada Somaliland.

Sida lagu baahiyey mareegta Baarlamaanka Ingiriiska shalay, wax-ka-bedelka Xeerka Caruurta Ingiriiska oo hore loo ansixiyey sannadkii 1989-kii, oo u ka hadlay Xildhibaan Zac Goldsmith ayaa u sheegay Baarlamaanka Ingiriiska inay sharaf u tahay inuu hadal-qoraalka fadhiga ku daro u mahadcelinaya Nimco Cali, oo si weyn ugu ololaysa joojinta gudniinka gabdhaha, inbadan oo xildhibaanada Ingiriisku aqoon u leeyahiin.

“Waa dadka ugu caansan u ololaynta cidhibtirka Gudniinka Hablaha (FGM) ee Ingiriiska, maalmo horteedna waxay madal dhinac fadhiday Raysal-wasaaraha Ingiriiska, xaqiiqdii waxay qadiyadan gaadhsiisay wadnaha xukuumada.”

Xildhibaan Goldsmith, oo ka tirsan xisbiga Muxaafidka Ingiriiska ayaa hadalkiisa sii raaciyey,

“Shaqada Nimco & guulaha ay ka gaadhay qadiyadan ayaa dhaafsiisan dalkan. Waxay ku dhiirigelisay saddexdii musharax ee doorashadii madaxtinimada Somaliland 2017 inay ballanqaadaan hirgelinta xeer lagu joojiyo gudniinka hablaha, inbadana waa u xog-ogaal inay ku dhowdahay ku guulaysigiisa.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey,

“Madaxweyne Md Muuse Biixi markii la doortay, wuu ka dhabeeyey ballanqaadkiisii, waxaana xukuumadiisu diyaarisay xeerkii xakamaynta gudniinka gabdhaha.

Xildhibaan Simon Hoare, ayaa sidoo kale amaanay awoodeeda qancinta & u doodisteeda, isagoo yidhi,

“Waan amaanayaa awoodeeda qancinta & u doodista, lagana yaaba in fursad laga siiyo xil siyaasadeed ee baarlamaanka (Whip office), masuul xisbi oo xildhibaanada ku kantaroola u raacitaanka siysaadaha xisbiga ansixinta xeerarka Baarlamaanka.

Nimco Cali ayaa la filayaa in 26 bisha ay ka hadasho munaasibad shirweynaha Xuquuqal-insaanka & Dimoqraadiyada oo lagu qaban doono dalka Switzerland, isla markaana lagu gudoonsiiyo abaalmarin caalami ah.

Xusitaanka kaalinta Nimco Cali, oo dhalashada Ingiriiska haysata, balse asal ahaan ka soo jeeda Jamhuuriyada Somaliland ka qaadatay u ololeyntii xeerka caruurta oo dalka Ingiriisku ku dhaqmi doono, ayaa sidoo kale noqonaya talaabo magaca dalkeeda Somaliland ku gaadhsay dhegaha muwaadiniinta Ingiriiska iyo guud ahaan dadka Soomaalida ee ku nool Ingiriiska.

 

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

327 Views




Features

  • Dawladda Itoobiya Oo Ka Hadashay Khariiradda Ay Daabacday Ee Muran Badan Dhalisay.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
More FEATURES