Khilaaf Mar Kale Ka Dhex-Qarxay Wasiirka Jidadka Iyo Maareeyaha Wadooyinka + Fadeexadaha Dul-Hoganaya Wasiir Cabdillaahi Abokor.
Gebo Gebo News

March 13th, 2019
Khilaaf Mar Kale Ka Dhex-Qarxay Wasiirka Jidadka Iyo Maareeyaha Wadooyinka + Fadeexadaha Dul-Hoganaya Wasiir Cabdillaahi Abokor.

Hargeysa(Gebogebonews)-Khilaaf saddex geesood ah oo curyaamiyey hab-sami u socodkii hawlaha shaqo ee wasaaradda Gaadiidka Somaliland, ayaa dib uga dhex curtay Wasiir Cabdilahi Abokor iyo Maareeyaha Hayadda Wadooyinka, iyo sidoo kale agaasimaha Wasaarada Jidadka.

 

 

 

Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah Wasaaradda, ayaa sheegay in khilaafkani salka ku hayo, kadib markii uu Wasiirka Wasaarada Jidadku ixtiraami waayey hanaanka shaqo ee Hayadda Wadooyinka, isla markaana uu ku sameeyey faro-gelin iyo xadgudub shaqo oo tiro beelay.

 

 

 

Wararku waxay sheegeen in todobaadyadii u dambeeyey fiintu dhex-miranayso Wasiirka iyo Maareeyaha Wadooyinka, kaddib markii Wasiirku inqilaab ku sameyey hawlihii Hayadaasi u igmanayd.

 

 

 

 

Wasiir Abokor, ayaa siffooyin Kala duwan qandaraasyo la xidhiidha Wadaada Berbera Corridor siiyey xubno qoyskiisa ah iyo sidoo kale kuwo ay isku hayb yihiin.

 

 

 

Qandaraasyadaas oo aanay haba-yaraatee aanu Wasiirku waxba Kala socodsiin Maareeyaha Hayada Wadooyinka oo ahayd in ay si toosa oo Madaxbanaan u maamusho mashruuca dhismaha Wadaada Corridorka iyo kuwa lamidka ah.

 

 

 

 

Khilaafka labadan masuul oo dhowr jeer oo hore soo noqnoqday, ayaa hadda waxa uu kusoo beegmay xilli Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi safar dalka dibadiisa ugu maqan yahay.

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Cabdilahi Abokor oo dadka dhaliila ku tilmaaman shaqsi aan lahayn aqoon Maadi Iyo mid maamul, ayaa waxa uu dheer Macan-gagnimo ku salaysan ciil-qabnimo Iyo ku xadgudub farogelineed oo u caadeystay inuu ku sameeyo Hayadaha madaxabanan ee dalka, waxa kaloo u ku goodiyaa Wasiirkani in ay dalka maanta ka taliyaan, isagoo ujeedkiisu yahay Waxanu nahay Beesha Madaxweynaha, taasoo hadii aanu degdeg Madaxweynuhuu wax uga qaban keenaysa ceeb maaro loo waay.

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

187 Views




Features

  • Daawo:Tirada Dad Ugeeriyooday Xanuunka Gawracatada Oo Ka Dilaacay Gobolka Saraar Iyo Masuulinta Gobalkaasi Oo Ka Hadlay.
  • Daawo:Madaxweyne Biixi Oo Masuliyinta Gudida Qandaraasyada Qaranka Ku Tilmaamay Masuuliyin Ka Dhabeeyeen Himiladii Qaranku Lahaa.
  • Daawo:Khudbad Sanadeedkii Madaxweyne Muuse Biixi Ka Hor Jeediyey Golaha Baarlamaanka.
  • Madaxweyne Biixi Oo Maamulka Puntland Ku Eedeeyay Inay Ciidammo Falal Amni Darro Ah Wada Soo Geliyeen Gudaha Somaliland.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES