Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ku Baaqay In Wadamo Badan Goobjoog Ka Ahaadaan Wadda Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya.
Gebo Gebo News

March 14th, 2019
Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ku Baaqay In Wadamo Badan Goobjoog Ka Ahaadaan Wadda Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya.

Hargeysa(Gebogebonews)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee Geeska,kala duwanaashaha Somaliland iyo Somaliya iyo qodobo kale.

 

Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ooWargeyska Geeska Afrikau waramay ayaa ugu horeyn yidhi “Heerkaynu maanta joogno, iskamaynu gaadhin, ee weynu u soo samirnay, xaalad kasta iyo duruuf kasta weynu kala soo dabaalanay, alxamdulilaah maantana meel wanaagsan baynu joognaa, heer fiicnaa weynu taagan nahay, inaga ayaa isku tashanay, oo qaranimadeena u tashanay, kadib markii aynu Somaliya dib ugula soo noqonay xoriyadeenii, inaga ayaa dawladnimadeena dhisanay, oo rukunada u aasanay, Dastuur baynu samaysanay, nidaamkii qabaliga ahaa ayeynu ka soo gudubnay, nidaamka Axsaabta ayeynu qaadanay, Doorashooyin kala duwan oo kala ah Doorashooyinka Madaxtooyada Wakiilada iyo Deegaanka ayeynu galnay, Caalamkuna wuu ka dharagsan yahay waanu ka war qabaa heerka aynu gaadhnay, marxaladaha aynu ka soo dabaalanay, iyo inaynu Somaliya laba dal aynu kala nahay, markaas Ictiraafka inaga dhiman goor ay noqotaba weynu heli doonaa insha allaah”.

 

 

Mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa wuxuu yidhi “Marka hore Somaliya laba dal baynu kala nahay, Somaliya kumaynu biirin ee weynu isku biirnay, wakhtigii aynu isku biirnayna, inagu waxaynu raadinaynay shantii Somalida, markii ay suurtagal noqon weydayna, oo dulmi iyo cadaadis badan la inoo geystay, ayeynu dib ula soo noqonay xoriyadeenii, markaas waan soo dhawaynayaa mawqifka Xukuumaddu ay ka qaadatay qaabka Somaliya wada hadalkeeda loo waajahayo, waana muhiim in wada hadalada Somaliland iyo Somaliya loo indho badsadaa, oo Wadamo badan ay goob joog ka ahaadan mar kastana waxaa haboon inaynu Somaliya u wada hadalno sidii laba dal”.

 

 

Mar uu ka hadlaayey abaaraha ayaa wuxuu yidhi “Dhacdo walba oo ina soo marta inaynu ku tusaale qaadano ayaa wanaagsan, iyada oo dadkeenu iskaashaado, oo xitaa ugu yaraan calaa qof uu bixiyo hal doolar, lacagtaasi wax badan bay noqonaysaa, wixii kale ee lagu dari lahaana waa lagu darayaa, Gobol kastana waxaa laga qodi lahaa dhaamam ama biyo xidheeno, si looga sii taxadiro abaaraha soo noq-noqda”.

 

 

 

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, wuxuu tacsi u diray dhammaan wadamadii kale duwanaa ee dadkoodu saarnayeen Diyaaradii burburtay ee Itoobiya.

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

 

178 Views




Features

  • Dawladda Itoobiya Oo Ka Hadashay Khariiradda Ay Daabacday Ee Muran Badan Dhalisay.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
More FEATURES