“ Somaliland Taako Dhulkeeda Ka Mid Ah Uma Ogolaanayso In Nacabka Daandaansiga Badan Ee Soomaaliya ” Xukuumadda Somaliland Oo Digniin Adag U Jeedisay Puntland.
Gebo Gebo News

March 14th, 2019
“ Somaliland Taako Dhulkeeda Ka Mid Ah Uma Ogolaanayso In Nacabka Daandaansiga Badan Ee Soomaaliya ” Xukuumadda Somaliland Oo Digniin Adag U Jeedisay Puntland.

Hargeysa(Gebogebonews)-Xukuumadda JSL, ayaa sheegtay in Hoggaamiyaha Maamulka Puntland ee Soomaaliya uu dusha u riddan doono cawaaqibka ka dhasha daandaansiga ay ka wadaan xuduudaha Bariga Somaliland.

 

 

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha Telefishanka Qaranka ahna Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta JSL, Maxamed Xasan Cali Weji, kaasi oo u qornaa sidan:-

“Jamhuuriyadda Somaliland waxa dhaqan u ah oo ay Xeerisaa inay Nabad kula noolaato derisyadeeda, hase ahaatee Taako dhulkeeda ka mind ah uma ogolaanayso in Nacabka daandaansiga badan ee Soomaaliya soo haweysto soohdimaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddeynaysaa in aanay ku duulin xudduuda Dawladda Soomaaliya, haseyeeshee ay sugayso Soohdimaheeda soo jireenka ah. Sidaas darteed, hadalka ka soo yeedhay shalay Hoggaamiyaha Puntland ee Soomaaliya, waxaanu u aragnaa inuu dhalanteed iyo hawaawi ku sheeganayo gobollo ka mid ah JSL. Waxaanan la socodsiinaynaa inuu daandaansiga uu ku hayo Somaliland uu ku fashilmi doono, sidii uu horeba ugu hungoobay Cabdiweli Gaas-kii ka horreeyey.

 

 

 

Somaliland way taqaanaa Nabadda iyo Colaada labadaba ee ha ku abshiro in Maamul-goboleedka Garoowe jab aanay ka soo waaqsan kala kulmi doonaan gardarrada joogtada ah ee ay ka wadaan dhulka Somaliland.

 

Ugu dambayn, waxaanu Siciid Cabdilaahi Deni xasuusinaynaa in xilka loo cumaamaday xilli uu Somaliland ka dhammaaday dulqaadkii ay u laheyd Soomaaliya, waxaanu dusha u ridan doonaa cidhib-xumada ka dhalata damacooda Beenta ku dhisan.”

234 Views




Features

  • Dawladda Itoobiya Oo Ka Hadashay Khariiradda Ay Daabacday Ee Muran Badan Dhalisay.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
More FEATURES