Xadhig-Maran Iyo Mara-Booba Waa La Iska Durki-yaaye ( Abdi-Shotaly).
Gebo Gebo News

April 1st, 2019
Xadhig-Maran Iyo Mara-Booba Waa La Iska Durki-yaaye ( Abdi-Shotaly).

Waxa Guriggii Moorgan ee Hargaysa, hadana uu ku jiro askariga la yidhaaho ” Raggii ma adigaa ka hadhay”, ka googoostay Odayggii Saylici ahaa, isaga oo awel-ba magac u yaal ahaa ( Proper noun), uguna yeedhi jireen Madaxa-weyne ku xigeen, oo loo maqaar saari jirey Reer Awdal, gaar ahaana Samaroon, wax kaste oo uu ahaaba ama lagu sheego-ba, xaalku hadeer ” Alamtarana soo dhaaf” oo wuxu marayaa meel cidhiidh-yoon, kursiga ka deg iyo Saylici oo leh ” Mar baa la ina wadda doortay”, sidda aynu kursiga ku fuulay-na waan isla og-nahay, waynu wadda degaynaa. Mudo laba cisho ahba wuxu joogay Boorame, isaga oo ay xoog isugu xumaadeen labadda askari ee isu noqday ” Diiq iyo dhashii”. Akhristaw waxa is waydiin leh, Maxaa la isku haystaa ee dhex maray? Waa tii la wadda walaaqa-naayaye xaaraanta’e? Xagee bay boogtii milishay ee ay wadda qarina-yeen ka dilaacday? Waatan malaxddii soo fatah-daye.Yaan kugu dheerayne ku soo dhawaw halka la iska qamacay:-

(a) Saylici dhawr jeer oo hore, buu hoos ugu sheegay askariga, dalkii bogaxa-ka-rogay ee maqluubka ku wadda, oo uu ku yidhi ” Geenyo Shaaximani ( Waa ina kaahinka’e), Maaha madax-weyne ku xigeen ee aniga baa ah” Waa in aad ila tashataa, hayeeshee dheg umuu dhigin askriga shimbir-cagta qabaa.

(b) Laba jeer oo uu doonaayey, in uu Geenyo shaaximani soo gallo, guriga Moorgana ( oo uu debedda ku maqnaa Raggii ma adigaa ka hadhay), saylici wuu u diiday, oo wuxu ku yidhi, annaa ka taliye imika, inana xidhiidh ma lihin, sidaas awgeed ma iman karitid, haddii kale inta uu kuu imanaayo, askariggii kale shaqo ka fadhiisin baan kuu samaynayaa, hadhaw markuu yimaado kii kugu shaqaysan jirey, halkuu doono ha kuu dirtee.

(c) Sababta ay arimahani u bilaabmeeni, waxay tahay, iyadda oo aanu hoodh ku qoysan askarigu saylici, hawshii-siina loo dirtey Geenyo Shaaximan. Saylici-na uu meesha iska joogo, mushaahaaradda uun uu ku qaato, wax kalena aanu qaban-ba, sidaas awgeed baa la isaga hor yimi.

(d) Saylici wuxu ku doodayaa, Ninkani ( waa Geenyo Shaaximane) ha ku ekaado Wasiirka ku sheega Arimaha Gudaha, hana ogolaado in uu i hoos yimaado, wixii uu ka rabo halkana, uu aniga igala soo xidhiidho,

(e) Askariga arimaha gudaha, ah lax dhukani abaar moog, oo laf-tiisu quudh-saday, kana dul talaabsaday Saylici, una haysta dhagax meesha iska yaala, baa iyana sii dheer, 

(f) Saylici wuxu dabeed gaadhay heer uu isaga iyo geenyo shaaximani, uu mid-koodu ku xigeen ka noqdo, waana ay ka go’an tahay, mudo badan buu xeeri-naayey in aan la maqlin, laakiin askarta dhegaha la’i, waxba way ka hoos qaadi waayeen, oo wuxu xaal-koodu noqday ” Habartu hayska haw-haw-laysee, helladda inoo tuma”.

( g) Waxa iyana jira, in shirkii Beesha Habar Muuse ( waa jifadda Sayliciye), ee bishii february ka dhacay Awdal, ay ka dalba-deen reerku Saylici, in ay xaqoodda si cadaalad ah u helaan, hayeeshee taa bedel-keeddii, waxa jawaab looga dhigay, in midh-midhkii ku sii hadhay laag safeeyo xilalka sidda sarkaal sare MR Xudhuun.

(h) Askariga oo baabi’iyey, deegaankii gancasiga ahaa ee la odhan jirey Xamaam”, oo ay degaan-yihiin beesha hoose ee Saylici, hantiddii ummadana cagfa la mariyey.

(i) Qofka Reer Awdal ah, ee raba in uu gallo Djabuuti, waxa laga qaadaa $34, markuu dib u soo gelaayana wuxu bixiyaa $31, halka ka Wajaale uga talaabaaya kiilka shanaad ee Itoobiya, aan haba yaraatee wax-ba laga qaadin, haduu tegaayo iyo haduu ka soo gelaayo-ba.

Muwaadin, waxan ku soo dabray maqaalkan, horaa Somalidu ugu maah-maah-day ” Xadhig-maran iyo mara-booba waa la iska durki-yaaye”, Saylici wuxu taagan yahay, in isaga iyo askariga ka dul talaab-saday ” Waa Geenyo Shaaximane), mid-kood reerka u hadho. bahalka la yidhaaho Xidhig-maranka, sidda loo fur-furaa, ee loo hello daba-diisa iyo madaxiisa mid-koodna, way adag tahay, sidaas ageed, Saylici quus buu kaga jiraa, waan-waan ka dhex dhalata isaga iyo labadda askari, ku darso oo mara-boobtu halkay ku dhegto, sidda looga dhameeyaa aad bay u hawl badan tahay, Waxan ku soo koobay xaajadan dhex taal labadda askari iyo Saylici, xalka keliya ee ay leedahay-na uu yahay, in uu ka dhaqaaqo, oo aanu ku soo noqon, ha kala yaacdee, waayo markii hore-ba cago kuma taag-nayne, ama waa in uu dariiq iska mariyo labadda askari, sidani waa quudhsi xune, oo uu cad-kiisa dhacsado ama uu is baraxo, oo yidhaaho aniga laxddii la iguma haleeyo shicib-yahaw, Ilaahay baa xaqa jecele, uu ku dhinto sharaf ilayn laba jeer dhiman-maayee.

* N.B Habartu Hayska Haw-Haw-Laysee, Heeladda Inoo Tuma!

Qore:- Abdi-Shotaly

ashotaly5@gmail.com

161 Views




Features

  • Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Afhayeenkii Iyo Xoghayihii Guud Ee Xisbiga WADDANI.
  • Ciidammo La Wareegay Xarunta Guud Ee Xisbiga WADDANI + Afayeenka Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay.
  • “Baad ku Bixin Mayno Nabad galyada Awdal,Dhimasho Iyo Dhiig Ayaa Laga War-Wareegayaa ” Saylici Oo Hadal Kulul Ka Jeediyey Boorama.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
More FEATURES