Astaanta Halganka iyo Halbeega guusha Qalinkii WQ/ Naasir aadan dooc
Gebo Gebo News

April 4th, 2019
Astaanta Halganka iyo Halbeega guusha Qalinkii WQ/ Naasir aadan dooc

Da’da 26 jir isagoo ah ayuu hormuud ka noqday halgankii hubaysnaa ee lagula dagaalamaayay taliskii macangaga ahaa ee siyaad barre.

10 sanno ayuu duurka iyo dhaxanta ugu jiray sidii bulshada somaliland u heli lahayd nabad, cadaalad iyo dawladnimo ka madaxbanaan tii luntay 1961.
30kii sanno ee ugu dambeeyay wuxuu ka shaqaynaayay sal u dhigidda nabad ka hanaqaada, dib u heshiisiintii iyo ururinta beelaha, dhismaha maamul dawladnimo oo ka hanaqaada somaliland.
Doorkii dimoqraadiyadda somaliland wuxuu kaalin muuqata kasoo qaatay aasaaskii xisbiyada somaliland, xisbigii Asad ayuu kamid ahaa aasaasayaashii Asad oo aan usoo bixin tartankii seddexda xisbi ee ka hanaqaadayay dalka, mar kale wuxuu kamid noqday xisbigii Kulmiye muddo 15 sanno ah ayuu kamid faaluudki xisbiga marba xaalad kala soo dabaalanaayay.
Shan (5) doorasho oo xisbiga kulmiye ku tartamay markasta door muhiima ayuu kasoo qaatay taasoo xisbiga kulmiye dhaxal siisay guul, haddana kama mid noqon masuuliyiintii loo xushay masuuliyadda xukuumadii kulmiye dhalay, muu cadhoon kamana tagin xisbiga kulmiye, sida u caadada ah siyaasiinta kale ee dalka, markasta wuxuu ku hawlanaa naf iyo maalna ku bixinaayay tisqaadka dawladnimo hanaqaada iyo guusha shacabka.
Hanti kama tabcan waxaa kaaga markhaatiya guri kiraa ayuu kaga jiraa hargaysa, doorashadii madaxtooyada 2017 guushii xisbiga kulmiye wuxuu kamid noqday rukunadii ugu waawaynaa ee guusha u keenay xisbiga kulmiye, kadib dhismihii xukuumadda wuxuu kamid noqday masuuliyiinta madaxwaynuhu uga maarmi waayay masuuliyadda qaranka.
Muddo sanad iyo badha wuxuu ku hawlanaa daminta shaqaaqooyiinkii ka aloosmay gobolada dalka, adkaynta nabad galyada, dhismaha ciidanka, tayaynta iyo isku xidhka laamaha wasaaradu ka kooban tahay heer gobol ilaa degmo, wuxuu dhigay dariiq ku dayasho ugu filan shacabka somaliland masuulka sifooyinkan iyo kuwo kale oo aan qoraal lagu soo koobi karinba iska leh waa
Maxmed Kaahin Axmed.
wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha somaliland.
WQ/ Naasir aadan dooc
Burco somaliland.
50 Views




Features

  • Daawo:Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Beeraha Somaliland Ayaa Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Laga Hir Geliyey Degaanka BEER Ee Gobolka Togdheer
  • Madaxweynaha Jabuuti Oo Shaaciyey Cabsida Uu Ka Qabo Kacdoono Dalkiisa Ka Dhaca.
  • Daawo:Masuuliyinta Gobalka Saraar Oo Dhaxdhigay Dhismayaal Ay Shirkada Asli Maydi Ka Dhisayso Kantoralka Degmada War-idaad.
  • Daawo: Dalada DAMAL Oo Mashaariic Iska Wax U Qabso Ah Ka Bilaabay Xerada Ciidanka Milatariga Gobolka Togdheer
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES