Jawaabti Ganacsade Axmed Cismaan Geele Waxay Ahayd Cashar Inagu Cusub
Gebo Gebo News

April 7th, 2019
Jawaabti Ganacsade Axmed Cismaan Geele Waxay Ahayd Cashar Inagu Cusub

Sida uu u wakiishay afhayeenka, waliba uu ugu dhiibayo waraaqaha iyadoo muuqaal ah waa cashar inagu cusub. -Afhayeenku wuxuu sheegay in dabku ka kacay “SAAMI NA SII” laakiin halkaas laaxin baa ku jira, waxbaa jira inaga qarsoon. SAAMI dagaalkani uu ka weyn yahay.
-Afhayeenku wuxuu sheegay in Jooraalka (Nation) uu daabacay xashaarashka hantidii Ganacsade Axmed Geelle. Laakiin afhayeenku ma sheeggin inta lagu xaraashay hantidaas. Maadaama $20M lagu lahaa, hantidiisuna ay ahayd $25M lana xaraashay maxaa ku hadhay Mr. Geelle? Waayo haddii xaraash meesha yimi qiimihii uu is dhimay.
Dhinaca afhayeenka Madaxtooyadu muxuu u ekaa?
– Afhayeen ummadeed ma ahayn ee wuxuu ahaa mid Saamiley shirkadeed u hadlayey.

-Wuxuu u dhaqmay sidii qof Looyar u ah dhinaca Jabbuuti.
-Wuxuu ku gefey Xuquuqda muwaadinnimo ee Axmed Geelle Arab. Taas oo uu dastuurka Soomaalilaan dhigayo. ” Qof kasta oo aabbihii ku noolaa Soomaalilaan ka hor 1960-kii waa muwaadin u dhashay Soomaalilaan”.
– Wuxuu ku gefey Xuquuqda Shirkadda SBI oo uu ka been sheegay lacagta lagu dhisay, oo uu ku sheegay in Banginga Jabbuuti laga soo dhacay.
-Wuxuu sheegay in Inter Pol, (The International Criminal Police Organization) ay raadinayaan, muhiimna ma ahayn inuu halkaas ka sheego.
-Afhayeenku ma sheeggin lacagta $128M ee ka maqan Geelle Arab halka laga doonayo, iyo sida loo doonayo-toonna.
– Halkaas waxa ka cad oo inoo muuqata in Muuse Biixi aanu dhex ahayn, wax ilaahay qaddaraba.
Axmed Geelle Arab maxaa seegay?
Way muuqataa inaan arrintu SAAMI ahayn ee ay jirto wax qarsoon oo aan cidna loo sheeggini’e, waxay ahayd inuu boogtaa dhayo oo la heshiiyo Ismaaciil Geelle oo ay in badan soo wada macaasheen. Isna xaal ogyihiin.
Waxa seegay, wixii Boorre ku dhacay, Oomaar ku dhacay, Caydiid ku dhacay iqk, inuu ka taxaddaro.
Waxa seegay wixii hadday dibadda u soo baxeen Dayuus xoolahaaga badh baa la siiyaaye, waxna hel, waxna waa. Badan wey danbaysaaye.
Gunaanad.
Dadka reer Soomaalilaan waxaan kula talinayaa kiisani wuxuu noqday mid Caalami ah oo u baahan feejignaan badan.
– In cid kasta oo Ismaaciil Cumar Geelle iyo Axmed Cismaan Geelle heshiisiin karta ama ugu yaraan dabkan bakhtiin karta la helo.
– Dahabshiil, Axmed Jimacaalaha Telesom iyo Hormuud, waa inay safka hore ka galaan arrinkan.
-Dhalinyarada Soomaalilaan waxaan ku la talinayaa inay iska dhaafaan cayda, ama wax kasta oo u eeg aflagaaddo lagu la kaco Hablaha uu dhalay ama ta uu qabo Ismaaciil Cumar Geelle.
Ugu danbeyn Axmed Cismaan Geelle Arab waa muwaadin Soomaalilaan ah oo innaga mudan Inaynu difaacno.
Saint Louis Missouri, USA.Bulay571@gmail.com

100 Views




Features

  • Xukumada Somaliland Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Midnimo Uu Ku Baaqay Madaxweyne Farmaajo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
More FEATURES