Safiirkii Hore Ee Maraykanka U Fadhiyay Dalka Croatia Oo Ku Taliyay In La Aqoonsado Somaliland.
Gebo Gebo News

April 11th, 2019
Safiirkii Hore Ee Maraykanka U Fadhiyay Dalka Croatia Oo Ku Taliyay In La Aqoonsado Somaliland.

Hargeysa(Gebogebonews)-Safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyay dalka Croatia danjire Peter Galbraith, ayaa ku taliyay in la aqoonsado qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Danjire Peter, oo toddobaadkan ka qayb galay madal uu soo agaasimay machad Maraykan ahi ayaa waxa su’aal ku saabsan qaddiyadda Somaliland weydiiyay wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka danjire Bashiir Sheekh Cumar Good, waxaanu danjiraha Maraykanka ahi ku jawaabay “Somaliland waa in loo aqoonsadaa qaran madaxbanaan. Waxay shaqaynaysay 27kii sannadood ee u dambeeyay.”

 

 

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas raaciyay “Waxaay u tahay tusaale dhamaystiran qaloocnaanta siyaasad ku dhisan ilaalinta is-haysashada dhul ahaaneed ee dal aan jirin ba “Somalia.”

 

 

 

Dr. Terrence Lyons oo isna madasha fadhiyay oo ka tirsan Jaamacadda George Mason University ayaa Somaliland ku tilmaamay inay tahay sheeko cajiib ah, “Waa arrin cajiib ah qisada dal xor ahaa shan maalmood ka hor intii aanu Soomaaliya ku biirin sannadkii 1960, isagoo rajaynayay midnimadii weynayd ee Soomaaliya, haddana waxay jecelyihiin inay kala baxaan ka dib markii ay fashilantay midnimadii.”

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

154 Views




Features

  • Daawo:Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Beeraha Somaliland Ayaa Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Laga Hir Geliyey Degaanka BEER Ee Gobolka Togdheer
  • Madaxweynaha Jabuuti Oo Shaaciyey Cabsida Uu Ka Qabo Kacdoono Dalkiisa Ka Dhaca.
  • Daawo:Masuuliyinta Gobalka Saraar Oo Dhaxdhigay Dhismayaal Ay Shirkada Asli Maydi Ka Dhisayso Kantoralka Degmada War-idaad.
  • Daawo: Dalada DAMAL Oo Mashaariic Iska Wax U Qabso Ah Ka Bilaabay Xerada Ciidanka Milatariga Gobolka Togdheer
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES