Diblomaasiyiin Shisheeyey Oo Ka Hadlay Safar Ay Ku Yimaaddeen Somaliland Iyo Wax Yaabo Ay Ku Soo Arkeen
Gebo Gebo News

April 13th, 2019
Diblomaasiyiin Shisheeyey Oo Ka Hadlay   Safar Ay Ku Yimaaddeen Somaliland Iyo Wax Yaabo Ay Ku Soo Arkeen

Hargaysa(Gebogebonews)-Diblomaasiyiin Ka Dareen Celiyey Safar Ay Ku Yimaaddeen Somaliland

Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxa socdaal ku yimaadda toddobaad kasta dad tiro badan oo Ajnabi ah, kuwaasi oo u yimaada Somaliland arrimo shaqo iyo hawlo kala gadisan.

Hadaba dadkan ajnabiga ah ayaa intii ay ku sugnaayeen Somaliland ka dareen celiyey waxyaalihii ay ku arkeen, iyaga oo aragtiyahooda ku cabira amaanka iyo xasiloonida ka jirta dalkan aan la aqoonsan ee Somaliland, iyaga oo inta badana ku soo bandhiga arrimahaas Baraha bulshada ee Twitter-ku ka mid yahay.

Ugu horeyn Patrick Heinisch ayaa 5-tii bisha April 2019 ee todobaadkan qoraal uu soo bandhigay Barta uu ku leeyahay Twitter-ka, waxa uu ku yiri “Markii aan booqday Hargeysa sanadkii la soo dhaafay, waxaan u baahday Fiisaha (Visa) Somaliland, Aniga oo sitay fiisaha Somalia. Tani waa mid aan la badali karin oo cadayn u ah in Somaliland Madax-banaan tahay, kana duwan tahay Somalia”.

Sidoo kale Chris Weigold oo u dashay dalka Ingiriiska oo isaguna socdaal ku yimid Somaliland isla 5-tii bishan April 2019, ayaa isaguna sheegay in uu hada soo gaadhay hoygiisa cusub, oo uu la yaabay Somaliland oo aad u qurux badan.
Dhinaca kale Tariq Abbasi oo isagana sitay Baasaaboor Diplomasi ah oo soo gaadhay Somaliland, ayaa barta Twitter-ka uu ku leeyahay ku qorey “Somaliland waa wadan si balaadhan u nabdoon iyo dad aad la dhacaysid”.

Si kastaba, tan iyo intii Somaliland ay ku dhawaaqday madax-banaanida, waxa sanadihii ugu dambeeyey soo kordhayey dalxiisayaasha aduunka ee socdaalka ku imanayey, si ay wax badan uga ogaadan Somaliland.

 

 

 

 

194 Views




Features

  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
More FEATURES