“Diyaar Ayaanu U Nahay In Aanu Wada-hadalno Soomaaliya” Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland
Gebo Gebo News

April 13th, 2019
“Diyaar Ayaanu U Nahay In Aanu Wada-hadalno Soomaaliya” Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Hargaysa(Gebogebonews)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay mawqifkeeda ku waajahan wada hadalada Somaliya, xilli aan wali si rasmiya loo cayimin halkay wada hadaladu ka dhacayaan iyo wakhtiga ay dhacayaan, waxayna tilmaamantay inay diyaar u tahay inay qanciso, oo ay kala hadasho Somaliya wixii ay isku hayaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay qadiyada Ictiraaf raadinta, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya waxaa uga meel yaal wada hadalada Somaliya“Somaliya diyaar ayaanu u nahay inaanu wada hadalno wixii aanu isku maan-dhaafsan nahayna meel isla dhigno, oo aanu waliba qancino, sida uu marar badan uu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi, mawqifka ay doonaanba ha istaagan laakiin inagu waxaynu nahay kuwa diyaarka u ah inaynu qancino, sida ugu haboona u qancino, maxaa yeelay qaranimada Somaliland waa mid aan marnaba laga laabaynin”.

 

 

 

Mar uu ka hadlaayey Ictiraafka ayaa wasiirku wuxuu yidhi “Horumar baa socda, maalin walbana wax baa inoo soo kordhaya, inaguna weynu dadaalaynaa, wixii dadaal ah ee inala gudboona weynu sameeynaynaa, weyna ka midho dhalin doonaa ictiraafkeena, wakhtiga ay doontaba ha noqoto waa hubaal inaynu helayno ictiraaf, horumarka aynu ku talaabsanay,iyo heerka aynu ka gaadhnay, iyo waliba madax banaanideena cid walba inaynu ku qancino ayaanu rabnaa, xidhiidh aad u fiicana weynu la leenahay Caalamka iyo Wadamada aynu jaarka nahayba”

 

 

 

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Wasiir Faratoon yidhi “Mar kasta waxaanu leenahay qaranimada Somaliland waa mid muqadas ah, Shacabka reer Somaliland aragtida Siyaasada wey ku kala duwanaan karaan, oo waxaynu Xisbiyada aynu u sameeysaynay waa in dadkii isku aragti ahiba inay isku Xisbi noqdaan, laakiin waa inaynu mar walba mid ka midaysnaa, midaas oo ah wadaniyada iyo Somaliland-nimada, waana in guud ahaan Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan, Xisbiga ay doonaanba ha ku jiraan, dalkay doonaanba ha joogaan, waa in mawqifkooda iyo aragtidooda Somaliland mid ka noqdaan, oo jiritaanka iyo ilaalinta wadankooda, mar walba waa inay mid ha ka ahaadan”.

 

211 Views




Features

  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
More FEATURES