Diyaarado Duqeeyay Deegano U Dhaw Hargeysa Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.
Gebo Gebo News

April 14th, 2019
Diyaarado Duqeeyay Deegano U Dhaw Hargeysa Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

Wararka uu Telefishanka Horn Cable ka helay  Degmada Salaxley, ayaa sheegaya in diyaarado dagaal  ay shalay banbooyin holcaya ku tuureen dad reer guuraa ah oo degen cidhifka banka qool-caday oo ka tirsan degamada salaxlay oo qiyaastii 50 km u jirta Hargeisa.

Gudoomiyaha Degmada Salaxlay Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine) ayaa u sheegay warbaahinta HCTV, in diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulayaa ay waxyaabo qarxa ku tuureen jees reer guuraa ah iyo dhul daaqsimeed ka tirsan degmada.

“Diyaaraduhu waxay ka yimaadeen dhinaca koonfureed iyagoo joog hoose ku duulaya ayay waxyaabo qaraxa ku tuureen dad reer miyi ah oo degan meel u dhaxaysa salaxlay iyo deegaanka Aaden Abokor, ma jiro wax dhimasho ah ama dhaawac ah  oo dadka soo gaadhay, balse dab xoogan oo hubkaasi sababay ayaa gubay jabadkii reerku degenaayeen” ayuu yidhi Gudoomiye Shiine.

gudoomiyaha degamada salaxlay waxaa uu sheegay inay goobtaasi ay tageen isla markaana ay soo arkeen hadhaaga hubkii ay diyaaraduhu tuureen iyo gubashada dhulkii ay ku habsadeen bambooyinku.

sidoo kale Xoolo dhaqato Geel ka waraabinayay ceelka Riigga ah banka qool caday oo lasoo xidhiidhay HCTV ayaa u sheegay inay maqleen jug Culus, iyo uuro ka kacday goobta ay diyaaradahu beegsadeen, maadaama ceelka ay ka waraabinayeen xoolaha aanu ka fogayn  meesha diyaaraduhu hubka ku tuureen.

YAA ISKA LEH DIYAARADAHA WAX DUQEEYAY ?

lama oga dalka laga leeyahay leh diyaaradahaasi Militeri ee duqaynta gaystay, balse gudoomiyaha degmada salaxlay ayaa sheegay in marar hore diyaarado militeri ay joog hoose ku dulmareen degmada, balse ay tahay markii u horaysay ee Bambooyin Tuuraan, arrintaasi oo oo cabsi galisay dadwaynaha deegaanka.

laamaha ammaanka ee Somaliland iyo Maamulka Gobolka Maroodijeex ayaa lagu wargaliyay dhacdadan.

Sidan oo kale ayaa degmada Gabilay diyaarado dagaal ay hub ku tuureen dhul dhaaqsimeed ay ku sugnaayeen dad xoolo dhaqato ah, xukuumadda somaliland-na kama hadasho inta badan arrimaha diyaadahaasi ay dadwaynuhu ka cabanayaan.

113 Views




Features

  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
More FEATURES