Millatariga Suudaan Oo Wadahadal La Bilaabay Kooxaha Soo Abaabulay Banaanbaxyada, Wacad Ku Maray In Uu Xididdada U Siibi Doonaan Maamulkii Hore
Gebo Gebo News

April 14th, 2019
Millatariga Suudaan Oo Wadahadal La Bilaabay Kooxaha Soo Abaabulay Banaanbaxyada, Wacad Ku Maray In Uu Xididdada U Siibi Doonaan Maamulkii Hore

Khartoum(Gebogebonews)-Golaha Millatariga xukuma dalka Sudan ayaa bilaabay wadahadalo uu la yeelanayo kooxaha soo abaabulay dibad baxyada sababay inuu xilka ka dago Hogaamiyihii hore ee dalka Sudan Cumar Al-bashir.

 

Kulan ka dhacay maanta magaalada Khartoum ayaa yimid kadib markii hogaamiyaha cusub ee Milatariga Sudan General Abdel Fattah al-Burhan uu ballanqaaday inuu ku wareejin doono maamulka dalka Sudan dowlad rayid ah muddo labo sano gudahood ah.

 

“Waxaan ku martiqaadayaa dhammaan shacabka Sudan oo ay ka mid yihiin xisbiyada siyaasada,kooxaha bulshada rayidka ah inay ka soo qeybgalaan wadahadalada,”ayuu ku yiri qudbadii ugu horeysay ee uu ka jeediyo taleefishinka dalka Sudan kadib markii shalay loo dhaariyay xilka hogaanka Mialtariga dalka Sudan.

 

General Burhan ayaa la sheegay inuu wadooyinka Khartoum kula kulmay qaar ka mid ah dadka banaanbaxaya isagoo dhagaystay dalabkooda.

 

Waxayna dadka banaanbaxaya u sheegeen Burhan in ay wadooyinka joogayaan ilaa talada dalka lagu wareejinayo dad rayid ah.

Isagoo ka hadlayay taleefishinka Sudan ayuu General Burhan ballanqaaday inuu xididada u siibi doono dhammaan raadadkii hogaamiyihii hore ee al-bashir, uuna soo celin doono xasiloonidii iyo kala dambeyntii.

Sidoo kale Generalka ayaa ballanqaaday in la qaaday bandowgii habeenkii lagu soo rogay dalka Sudan isla markaana la sii deyn doono dhammaan maxaabiista u xiran arrimaha siyaasada.

Wararka kale ee dalka Sudan ayaa sheegaya in uu is casilay Madaxii sirdoonka dalkaas General Salah Abdallah Gosh kaasoo si aad ah ugu dhowaa Madaxweynihii hore ee Sudan al-Bashir.

Gosh ayaa mar ahaa dadka aadka ugu dhow dhow Madaxweynihii hore hase yeeshee waxaa la eryay sanadkii 2011 isagoo ahaa la taliyaha Madaxweynaha,kadib markii uu eedeyn u soo jeediyay dowlada.

Sanadkii ku xigey ee 2012 ayaa xabsiga la dhigay General Gosh isagoo lagu tuhmay inuu abaabulayay afgambi. Hase yeeshee al-Bashir ayaa cafis u fidiyey waxana uu u magacaabay taliyaha ciidamada nabadsugida sanadkii 2018.

150 Views




Features

  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
More FEATURES