Xaalada caafimaadka gobolka togdheer oo duruufo badan so martay ayaa maanta waxay maraysa halki ugu wanaagsanayd.
Gebo Gebo News

April 22nd, 2019
Xaalada caafimaadka gobolka togdheer oo duruufo badan so martay ayaa maanta waxay maraysa halki ugu wanaagsanayd.

Xaalada caafimaadka gobolka togdheer oo duruufo badan so martay ayaa maanta waxay maraysa halki ugu wanaagsanayd, iyado ay hogaanka u hayaan caafimaadka gobolka dad khibrad iyo aqoonti lo baahnaa u saaxiib ah, taasina waxay keentay inu caafimaadki gobolku horumar wayn ku talaabsaday iyado ay noqotay markii kowaad ee wasaarada caafimaadku yeelato maamul daadajin, iyado wali la dardargeliyay waaxda wacyigelinta caafimaadka gobolka isla markaana sare lo qaaday talaaladi la bixin jiray taso fa’iido wayn u leh caruurta, hadaba waxa loona baahanyahay in halkaa laga sii wado horumarka uu caafimaadka gobolku ku talaabsaday.

 

 

 

Waynu ogayn xaalada hospitalka burco sidii uu ahaan jiray hada ka hor iyo maanta halka uu marayo iyo horumarka balaadhan ee u ku talaabsaday haday tahay tayaynta adeegyada uu bixiyo, kor u qaadista bilicda hospitalka iyo waliba kordhinta aqoonta iyo xirfada shaqaalaha ka hawl gala hospitalka, arinkaana waxa amaanteeda leh hormuudka wasaarada caafimaadka iyo agaasimaha hospitalka burco.

 

 

Dhinaca kale waxaan la dafiri Karin mashruuca caafimaadka balaadhan ee ka socda gobolka iyado la hawlgeliyay ku dhawaad 30 xanaano iyo dhawr iyo labaatan health post oo ku kalayaala Gobolada Togdheer iyo Daad madheedh, waxa inta dheer labada hospital ee burco iyo oodwayne oo ka qayb qaadan doona daawaynta hooyada iyo dhalaanka iyo qaliinad, taso ay u raacdo umbalace yo isaga gooshi doona deegamadaas.mashruucasi waxa uu si wayn uga qayb qaatay shaqo gelinta dhalinyarada iyado ay nasiib u yeesheen in ay ka hawlgalaan dhalinyaro badan oo jaamacadaha wadanka ka so qalin jabisay, waxa inta dheer bulshadii ku dhaqnayd deeganada miyiga Togdheer iyo Oodweyne waxay aad uga faa’iideysteen adeegyadi caafimaad ee mashruucasi bixinayay, hawshaana waxa amaanteeda iska leh Hormuudka wasaarada caafimaadka iyo isuduwaha caafimaadka gobolka Togdheer.

Gunti iyo gebogebadi, waxan so jeedinaya in aan cid walbaaba waxay doonto TV ga ka odhan ama aanay websites ka kuso qorin balse cidi qiimaynaysa ama wax ka qoraysa caafimaadka gobolka ay noqoto cid xogogaal u ah caafimaadka gobolka isla markaana ka fayow qabyaalad iyo shaqsi nacayb.

Dr. Shiine Hayaan

Burao Somaliland.

93 Views




Features

  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
More FEATURES