Sunana KULMIYE Ku Socdo: By: Nuur Guruuje
Gebo Gebo News

April 28th, 2019
Sunana KULMIYE Ku Socdo: By: Nuur Guruuje

Wax waliba dabeecad iyo sune ay ku socdaan ayay leeyihiine,Xisbiga kulmiye sunne iyo khariidad uu ku socdo ayuu leeyahay , taasoo marka aad muuqaalkeeda aragtaba aad si fudud u fahmi karto .

Sunaha kulmiye ku socdana waa tubtii iyo wadadii uu jeexay maamulkii Siilaanyo .

Tusaale .

Xukuumaddii Siilaanyo , bahda Magaaladdu waxay ku lahayd shan wasiir , kuwaasoo kala ahaa afar wasiir oo rag ah iyo hal wasiir oo gabadh ah , waxaanay bahdu waagaas ahayd beesha ugu wasiirada badan .

Xukuumadda Cusub ee Muuse , Bahda miyigu waxay ku leedahay Afar Wasiir oo rag ah iyo hal wasiir oo gabadh ah .

Xukuumadii Siilaanyo , waxay soo kordhisay labadii sanno ee ugu horeeyey ,boos aan horre u jiri jirin , waxaana booskaas oo loo bixiyey Cheif of Cabinet loo magacaabay nin aan horre siyaasadda ugu jirin oo kasoo jeeda Raaska Madaxwayne Siilaanyo ee Maxamed Abokor kaasoo maamula madaxtooyadda .

Xukuumadda Cusub ee Muusena , waxay soo kordhisay Agaasiimaha guud ee Madaxtooyadda , kaasoo ah nin aan siyaadadda horre ugu jiri jirin , oo kasoo jeeda jufada Madaxwaynaha ee Xuseen Abokor , waa Maxamed Cali Bille.

Dawladii Siilaanyo Wasiirka keliya ee xilka lagga qaaday ee kasoo jeeday beesha Madaxwaynuhu waxay ahayd Marwo Ilhaan oo ka mid ahayd qurbe-jooga kasoo noqday Wadanka Kanadda , Dawlada Muuse na Wasiirka keliya ee xilka lagga qaaday ee kasoo jeeda beesha Madaxwaynuhu waa Guri-barwaaqo isna ka mida ah qurbe-jooga kasoo noqday Isla Wadankaas Kanadda .

Xukuumadii Siilaanyo Beelaha Ciise , Ciidagale waxa kaga jirey min hal wasiir , xukuumada muuse na min hal wasiir .

Sidoo kale , Beelaha Gadabiirsi iyo Habar yoonis iyo Dhulbahnte ,waxaa kaga jirey min3 wasiir ayaa kaga jirey Xukuumaddii Siilaanyo , ta Muuse na min sadex wasiir .

Sidoo kale , Beelaha Arab iyo Ciise Muuse ayaa iyana labada dawladood ay kaga jireen min laba wasiir .

Si kastaba ha ahaatee , taageerayaasha xukuumaddan muuse waxay jecel yihiin dhagaysiga heesta tidhaahda , hayaanka tubtiisa haysta , markaad eegto xukuumadda cusubi u leedahay talaabadda xukuumadii horre waxaad ogaanaysaa in hayaanku weli tubtiisii haysto .

275 Views




Features

  • “Waxaa Ballan Qaadaynaa In Aanu Mar Dambe Faysal Isu Soo Sharrixi Doonin Madaxweynaha Somaliland” Guddoomiye Baashe Oo Si Kulul U Weeraray Faysal Cali Waraabe.
  • Gudoomiyihii Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani Oo Is casilay + Sababta.
  • Daawo:Shirweynihii Xisbiga Talada Dalka Somaliland Haye Ee KULMIYE Oo Dib Loo Dhigay +Sababta.
  • Xukumada Somaliland Oo Shaacisay Kiisas Cusub Oo Ah Xanuunka Coved-19.
  • Daawo:Guddida Ka Hortagga Cudurka Halista Ah Ee COVID-19  Ee Somaliland Oo Xisaab Celin Sameeyay.
  • Itoobiya Iyo Eritrea Oo Qorsheeyey Afduub Ka Dhan Ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.
  • Tirada Dhimashada Iyo Kiisaska Cusub Ee Xanuunka Covid-19 Ee Somaliland Oo Korodhay.
  • Khabiir Maraykan Ah Oo Ka Digay Halista Ka Dhalan Karta Qorshaha Uu Madaxweyne Biixi Ku Sheegay Inuu Qaddiyadda Somaliland Gayn Doono Maxkamad Caalami Ah.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
More FEATURES