Waxaad Naftaada La Jeceshay Walalkaana La Jeclow: By: Cabdi Sulux.
Gebo Gebo News

April 30th, 2019
Waxaad Naftaada La Jeceshay Walalkaana La Jeclow: By: Cabdi Sulux.

Wixii aad naftaad la jecel tahey wallaal kaana la jeclow sidaas baa lagu heli kara mujtamac caafimaad qaba . Sidaas beynu ku noqon Kartaa somaaliland isku duubaan oo mideysan . Waa in horumarka dagaaneed ay si iskumid isula jaan qaadaan oo la isa soo gaadh siiyo kuwa duruufa colaadduhu ama duruufa kale ee ale keeney dib u dhigeen . Somaaliland waa in laga ilaashaa waxa kasta oo kala irdheyn iyo kala fogaansho abuuraya . Waxa jira tabashooyin somaaliland dhex taala ama dhibaatooyin soomarey, cidna gar siin maayo cidna dusha u saarimaayo .

wixii inaga xumaadey horeysa iyo danbeyso waa waxa laga xumaado . wixii dhibaato ka dhex dhacey reer somaliland waxa ay ahaayeen waxa qadar keenay dabcane ale keeney hadana meel kale laga soo abaabuley . Dadka dariska wadaaga way isku dhacdaan meel kasta ba dunida ha ka joogeene somalilandna kuwa waa kamid . laakiinse waxa baa jira aynu kaga duwa nahey xitaa somaaliyadaas aynu jaarkanhey waa kuwaa 30 sano is dilaya ee xal loo waayey .Somaaliland haddii ay dhibaato kadhacdo markiiba waa loo gurmadaa oo waa la damiyaa . Waxa jira siyaasiyiin kala fagaansho abbuura oo kicin , durid iyo xaalad abbuur farsameysan dhex dhigayaan somaliland . Waxa jira maamul xumo sinaan la’aan cadaalad daro laakiin maaha waxa laga wada tashadey oo beelo isla qaateen ee waa waxa u gaar ah kolba cida maamulka heysa . waxa dhinca kale jira tabasho aan xaqiida ku saleysneyn oo ku saabsan saaami qeybsiga gobolada kaasoo gobalada qaar ka cabanayaan , waxaase jira in gobolo qaar ugu saami qeybsi badani hadanaugu qeylo badan yihiin halka kuwa ugu duruuta adigi iska ammusanyihiin . Waxa fiican in si cadaalada ha waxa loo qeybiyo laakiinse waa marka daraasad lagu sameeyo ee la ogaado duruufahooda wakhiguna inoo saamaxaan .

iyo gabgabadii somaaliland uma baahna dad Tvga u dacwadooda , ka bilaaba saami baa naga maqan iyaga oo aan hubsan in waxa dheeraad ihi lascodaa iyo in waxa ka maqanyihiin . waxa fiican in la gaadho marka duruufuhu inno saamaxaan saami qeybsiga . Waxa kale oo somaaliland dhib ku haya siyaasiyiin marba shaadh soo gashanaya oo qabiil soo hurinaya oo irbad naxali ah sita oo kolba cid ku duraya . Somaaliland uma baahna cid ukala abtirisa ee waxa ay u baahantahey cid waxa u qabata oo isku heysa dhamaan . Waxa kale oo aynu u baahantahey maamul si xaq iyo cadaalad ah ku yimaada si cadaalad ahna waxa inoogu qeybiya .

Cabdi Xasan (Cabdi Sulux)

30 Views




Features

  • Golaha Wasiirradda Somaliland Oo Baaq Nabadeed UdiraynMaamul Goboleedka Puntland.
  • Daawo:Suldaan Siciid Oo Sheegay Inay Si Deg-Deg Ah U Soo Qabanayaan Ninkii Shalay Dilka Ka Geystay Ceel-Afweyn.
  • Xukuumada Somaliland Oo Si Kulul Uga Ka Hadashey Dil Ka Dhacey Degmada Ceel-Afweyn Hanjabaadna Udiray Beelaha Degmadaasi Wada Dega.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
More FEATURES