“Xukuumadda Muuse Biixi Farsamo Xumada Af-Soomali Xumo Ayaa U Dheer” Muniir Axmed Cigaal
Gebo Gebo News

May 1st, 2019
“Xukuumadda Muuse Biixi Farsamo Xumada Af-Soomali Xumo Ayaa U Dheer” Muniir Axmed Cigaal

In kasta oo aynu ku jirno bilihii khayrka laha Ramadaana sanka inoo saarantahay hadana Xaalada Dalkaygii Somaliland ku sugan yahay ayaa marar badan ku odhanaysa midh iyo laba ka dheh. Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ilaa bilawgii Xukunka ay qabteen laba sanno ku dhawaad Mucaarid iyo Muxaafid waxa marageeda laysku raacay inay farsamo xuntahay.

Dhacdooyin badan oo maarayn kaliya u baahnaa ayay Xukuumadda Muuse Biixi is maqiiq ku gashay kuwaas oo natiijo la’aani ka dhalatay. Midan iminka ee Xaalada Deg Deg ah lagu galiyay Gobolkii Sanaag ayaa u danbaysay. Madaxweynuhu amar adag ayuu bixin laha lagu soo qabto danbilayaashi Sarakiisha laayay, adduunka oo dhan way ka dhacaan shilal noocan oo kale ahi, talaabadii ku haboonayd maha Bandow iyo awood Millatari oo ahayd halkii u danbaysay ee Madaxweynaha iyo Qaranku miciin san la hayeen… Duufaano iyo Dabaylo inamay rogin alle haynaga hayee,, layskumana rogman oo xaaladu faraha kamay bixin, koox shar wadayaal ah ayaa faldanbiyeed gaystay waxayna ahayd in la soo qabto oo cadaaladda la mariyo..

Midda kale waxa weeye farsamo xumadaas ayay Af-soomaali xumo ku darsatay Xukuumadeeni. Xalay waxa hadlay Wasiirka Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye, dee anigu Wasiir Qaran la hadlaaya meesha kuma arkayn ee Nin ka soo kacay Marfash oo wixii Marfashka shubaaya ayuunban u arkaayay. Kulaha “Dadkii Gobta aha way qanci jireen “ Yaa markaa gun gunuunucaysa ah. ? Isagu markaana UDUB tii Guul wadaynta la daxalaysatay ayuu aha oo TV-ga Qaranka ayuu joogay, KULMIYE yihii Axmed Siilaanyo ee 2003-doorashada galayna Rer ma ahayn WADDANI-ga 2017-kii doroashada galayna rer ma ahayn oo Somaliland oo dhan ayuu aha.. Masuuliyiinta Xukuumaddeena iyo ilaa Madaxweynaha mararbadan aamuska u Khayr badan, waayo looma wada dulqaadan karo farsamo xumo iyo Af-somaali xumo wada socda..

Tusan ..
Muniir Axmed Cigaal

122 Views




Features

  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
More FEATURES