Cali waa gob ee Garmaqaate ayaa helay
Gebo Gebo News

May 5th, 2019
Cali waa gob ee Garmaqaate ayaa helay

Dr Cali Khaliif Galaydh waa nin ka rajo-dhigay Soomaaliya oo jecel wadajirka walaala waqooyi iyo inay noqdaan dawlad madax-bannaan oo caddaalad ku dhisan. Waa nin aqoontu ka xoreysay oo ka sifaysay qalbigiisa cuqdad, xaasidnimo, isla-weyni iyo qabyaallad. Bal u fiirso siduu habeenkii dhaweyd u ammaanayey walaalkii/ saaxiibkii Siilaanyo wax kasta oo dhex maray beelahay ka soo kala jeedaan iyo si kasta aragtida ugu kala beydheen xilliyada qaar.

Mudane Cali waa nin haatan jooga aakhirul cimri sidaas aawadeedna doonaya inuu ka tago raad midnimo hase yeeshee cid la garata ayuu la’yahay. Kor iyo hoos ba wuu ula hadlay madaxda Somaliland iyo beesha dhexe siiba raaska madaxweynaha ee Somaliland ay u af-duubantahay. Xaqiiqduna waxay tahay Cali waa gob ee Garmaqaate ayaa helay.

Muuse mid baannu leeyahay, Madaxweyne Muusow haddii aad manfacii iyo masabkiiba aad ku koobtay xaafadaada, ogow Gol-janno iyo Gebiley ma noqon doonto dawlad madax-bannaan, shacabka beriga Somalilandna waxay la dareen yihiin Cali Khaliif Galaydh iyo dadkuu matelayo ee uu u yahay Geed-joogahooda.

Sidaas aawadeed Muusow Labo mid baa kula gudboon inaad fuliso heshiiskii Caynaba iyo inaad ummadda usheegtid sababta aadan u fulin karin. Laakiin xal ma noqonayso inaad ummadda u dhagoolayso oo aad qol isku soo xidho.

Cali mid baan leeyahay, Dr Caliyow badi shacabka Somaliland waa ogyiin inaad gar leedahay oo aad daacad ka tahay midnimada iyo wadajirka Somaliland oo ku heli karta madax-bannaanideeda sinnaan iyo caddaalad oo keliya, ha yeeshee aad garawshiyo ka ladahay madaxweynaha haatan. Waxaan leennahay Caliyow fadlan samir intii badnaydba samirtayee. Hadddii xukuumadan ka gaws-adeegtay fulinta heshiiskii waa la beddeli ee Waddani meel wax la dhigo iyagaa heli doorka danbe siday u muuqatee.

Cabdirisaaq Maxamuud Baynax

34 Views




Features

  • Golaha Wasiirradda Somaliland Oo Baaq Nabadeed UdiraynMaamul Goboleedka Puntland.
  • Daawo:Suldaan Siciid Oo Sheegay Inay Si Deg-Deg Ah U Soo Qabanayaan Ninkii Shalay Dilka Ka Geystay Ceel-Afweyn.
  • Xukuumada Somaliland Oo Si Kulul Uga Ka Hadashey Dil Ka Dhacey Degmada Ceel-Afweyn Hanjabaadna Udiray Beelaha Degmadaasi Wada Dega.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
More FEATURES