Prof. Samater Oo Sheegay Inay Soo Noqonayso Xuluufadii Siyaasadda Ee Gobollada Bariga Iyo Galbeedka Somaliland.
Gebo Gebo News

May 12th, 2019
Prof. Samater Oo Sheegay Inay Soo Noqonayso Xuluufadii Siyaasadda Ee Gobollada Bariga Iyo Galbeedka Somaliland.

Hargeysa(Gebogebonews)-Prof Axmed Ismaaciil Samater ayaa sheegay in ay suurtagal tahay inay soo noqoto xuluufadii Siyaasadda ee gobollada Galbeedka iyo Bariga Somaliland, waxaanu ka sanqadhiyey inay xisbi ay ku midaysan-yihiin samaystaan marka axsaabta dib loo furo, isagoo sheegay in aanu jirin wax u diiday haddii ay u bixiyaan USP 2

Prof Axmed Ismaaciil Samater ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Dee dadka qaarkii waxa laga yaabaa inay leeyihiin malaa waxa lasoo celinayaa jeegaantii ugu horaysay xaga siyaasadda ee Somaliland ka dhac-da oo la odhan jiray united Somali Party “USP” oo Awdal iyo Bariga fog ay labadaasi isku xidhmaan, taasi berigaana xalaal ayey ahayd iminkana wey xalaaloobi kartaa .”

 

 

Isagoo intaasi ku ladhay “Annigu xisbi ayaan ku jiraa la yidhaah KULMIYE xisbigaa waan daafacaa intii tamartaydu ay tahay inuu xisbigu noolaado waan jecelay oo uu sii socdo oo uu xarago, qurux badan iyo karti badan uu iminka keeno waan jecelahay .”

 

 

 

Dhanka kalene Prof Samatar ayaa sheegay in aanay wax uu diidayaa jirin beelaha daraf-yadu inay xisbi samaystaan marka axsaabta la furo “Laakiin wax ka joojinayaa ma jirto in xisbi cusub la helo USP-2 hala yidhaah-do ama magac kale haloo bixiyee wax ka joojinayaa ma jiro marka axsaabta la furo iyadoo taana aan rajaynayno inuu wakhtigeedii soo dhaw yahay in axsaabtii la furo oo dadku ay Xisbiyo cusub samaystaan.”

 

 

 

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka soo jeeda gobolka Awdal iyo Prof Cali Khaliif Galaydh oo ka soo jeeda gobolka Sool ayaa muddooyinkii u dambeeyay Somaliland ka waday wacyi gelin siyaasadeed oo ay ula baxeen tabliiq siyaasi ah kaas oo ay meelo badan kaga hadleen sansaanka siyaasadda Somaliland ee maanta iyo mustaqbalkaba.

 

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

353 Views




Features

  • Daawo:Suldaan Fashiliyay Siro Badan Iyo Kala Qaybsanaan Lasoo Daristay Gudidii Garxajis Ee Arinta Caare.
  • Dawlada Qatar Oo Shaacisay Deked Ay Ka Dhisayso Soomaaliya Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
More FEATURES