Madaxweynaha Somaliland Oo qaabilay safiirka Dalka Ingiriiska U qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb Ben Fender.
Gebo Gebo News

May 13th, 2019
Madaxweynaha Somaliland Oo qaabilay safiirka Dalka Ingiriiska U qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya  Amb Ben Fender.

Hargaysa (Gebogebonews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Ben Fender oo maanta dalka ku yimid safar shaqo.

 

 

 

Kulankaa Waxa lagaga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen sidii looga wada shaqayn lahaa siyaasada guud iyo amaanka mandaqada geeska oo ay Somaliland ku leedahay door muuqda oo caalamku ku ixtiraamo, diyaar garawga iyo qabsoomida arrimaha doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka, geediga dimuquraadiyada, dardar-gelinta iyo kor u qaadida kaalmooyinka horumarineed ee dawladda Ingiriisku ku taageerto Jamhuuriyadda Somaliland iyo xoojinta xidhiidhka labada dal.

 

 

 

Waxaanu madaxweynuhu safiirka iyo weftiga uu hoggaaminayo warbixin mug iyo miisaan leh ka siiyey horumarka ay ku tallaabsadeen shacbiga iyo dawladda Somaliland oo ah mid ay horeba uga markhaati kaceen caalamku.

 

 

Dhiniciisa waxa uu safiirku madaxweynaha ku bogaadiyey sida qiimaha leh ee uu u qaabilay iyo warbiximaha waafiga ah ee uu ka siiyey horumarka ay dal iyo dad ahaanba Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsadeen oo mudan in lagaga dayo.

 

Image may contain: 2 people, people smiling, people sitting

Image may contain: 1 person, smiling, standing, suit and indoor

Image may contain: 2 people, people smiling, people sitting

Image may contain: 3 people, people smiling, people sitting and indoor

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing and suit

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing, shoes, suit and indoor

146 Views




Features

  • Daawo:Suldaan Fashiliyay Siro Badan Iyo Kala Qaybsanaan Lasoo Daristay Gudidii Garxajis Ee Arinta Caare.
  • Dawlada Qatar Oo Shaacisay Deked Ay Ka Dhisayso Soomaaliya Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
More FEATURES