Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Madax ka socotay shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga Oo Danaysay Inay Somaliland Maalgashato.
Gebo Gebo News

May 14th, 2019
Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Madax ka socotay shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga Oo Danaysay Inay Somaliland Maalgashato.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay shirkada GULHAN LTD. DEARSAN.Co, oo laga leeyahay dalka Turkiga oo uu hoggaaminayey gudoomiyaha shirkadaasi Mr. Aziz Yildirim oo maanta safar shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

 

Masuuliyiinta Shirkadan Turkiga ah ee madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa ujeedada ay u yimaadeen Somaliland ay tahay in ay danaynayaan fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, iyo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen mashaariicda maalgashi ee ka hirgelay Somaliland, gaar ahaan maalgelinta, kalluunka, macdanta, wershedaha, beeraha iyo tayaynta wadooyinka waxayna sheegeen inay ku qanceen dadaalka iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland samaysay iyo maalgashiyada waaweyn ee waayadan danbe ka hanaqaaday dalka.

Iyagoo taa ka duulayana ay doorbideen inay dalka Somaliland ka fuliyaan maalgashi, isla markaana tusaale u noqdaan shirkadaha iyo maalgashadayaasha waddanka Turkiga si ay qayb uga noqdaan maalgashiga dihin ee Jamhuuryadda Somaliland ku duugan.

Sidoo kale wasiirrada wasaaradaha, Ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska, macdanta iyo tamarta, gaadiidka iyo horumarinta jidadka, horumarinta maalgashiga, horumarinta beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, ayaa kulanka ku soo bandhigay qorsheyaasha maalgashi iyo siday diyaarka ugu yihiin inay ka faa’iideeyeen fursadaha noocan oo kale ah.

Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey masuuliyiinta shirkadaas imaatinkooda Somaliland iyo inay xogogaal u noqdaan horumarka ganacsi iyo dhaqaale ee ka jira waddanka, isagoo xusay in ay xukuumadda iyo shacbigaba ka go’an tahay soo dhawaynta cidkasta oo khayraadka dihin ee dalka ku duugan maalgashi ku samaynaysa.

 

Image may contain: 2 people, people standing and suitImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: one or more people and people sitting

Image may contain: 3 people, people sitting and suit

Image may contain: 2 people, people standing

Image may contain: 4 people, people standing and suit

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing

 

Image may contain: 3 people, people standing and suit

92 Views




Features

  • Golaha Wasiirradda Somaliland Oo Baaq Nabadeed UdiraynMaamul Goboleedka Puntland.
  • Daawo:Suldaan Siciid Oo Sheegay Inay Si Deg-Deg Ah U Soo Qabanayaan Ninkii Shalay Dilka Ka Geystay Ceel-Afweyn.
  • Xukuumada Somaliland Oo Si Kulul Uga Ka Hadashey Dil Ka Dhacey Degmada Ceel-Afweyn Hanjabaadna Udiray Beelaha Degmadaasi Wada Dega.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
More FEATURES