Madaxweyne Muuse Biixi Xil Ka Xayuubin Ayuu Ku Mutaysanaya Dastuur- Jabinta ” Muniir Axmed Cigaal
Gebo Gebo News

May 14th, 2019
Madaxweyne Muuse Biixi Xil Ka Xayuubin Ayuu Ku Mutaysanaya Dastuur- Jabinta ” Muniir Axmed Cigaal

Hargaysa(Gebogebonews)-Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Muuse Biixi uu maamuus ka xayuubin ku mutaysan karo dastuur jabin uu ku eedeeyey.

Siyaasi Muniir ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in xadhiga xildhibaan Dhakool uu yahay sharci jabin iyo dastuurkii oo uu ku tuntay madaxweyne Muuse Biixi, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan

 

 

Saraynta sharicgu wax kaleba maha waa in Muwaadinka u sareeya ilaa Madaxweynaha loo simanyahay sharciga. Waxaa maanta cad in Dastuurkii inaga dhaxeeyay uu jabay oo si cad ay u jabisay Waaxdii Fulinta oo Madaxweynuhu hoggaaminaayo, anigu ka hadli maayo hadalkii Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ee 18-ka May, kuma raacsani oo maalin Qaran ayaan anigu u aqoonsanahay, lakiin Xildhibaanku rayi ayuu leeyahay Waddan Dimuquraadi ah ayuu Xubin Baarlamaan ka yahay hadduu dood qabo iyo ciddii kale ee rayi qabtaba in la qanciyo amma lala doodo nidaamka aynu qaadanay ayaa wajibinaaya.

 

 

Xadhiga Xildhibaanka sidii loo maray, sifaha ilaa hadda lagu hayo Xabsiga iyo horgayntii Maxkamadda isagoo ka tinadaysan intuba waa Dastuur-jabin cad oo badheedha Golaha Wakiilada oo Guddida joogtada ahi matalaysaana maanta ayay cadeeyeen, waxa haddaba taas ka ratibmaaya Madaxweynaha oo amarka bixiyay in maamus ka xayuubin lagu soo oogo marka Golaha Wakiiladu kalfadhigiisu furmo kadibna uu nasiibkiisa ka qaado. Midha qudha ee saraynta sharciga soo celinaysa waa taas haddii saraynta sharcigu jiro weeye, haday sidaa ahaan waydo ma nihin Waddan Dimuquraadi ah waxaynu nahay Xukun Millatari ah, suurto galna maha in Dalku doorashooyin galo iyadoo sidan Dastuurkii loo laabay, miyaa ummadda laysku dilayaa haddii aanay shuruucdii taalay ee Madaxweynuhu Madaxweyne ku aha, ee Baarlamaanku sharci dajin ku aha ee Maxkamaduhu inoogu dhisnayeen haddii aan kii lagu dhaqmayn taasi waa anaa ka xoogwayn marka wixii inoo yaalay way laab mayaan..

 

 

 

 

214 Views




Features

  • Daawo:Suldaan Fashiliyay Siro Badan Iyo Kala Qaybsanaan Lasoo Daristay Gudidii Garxajis Ee Arinta Caare.
  • Dawlada Qatar Oo Shaacisay Deked Ay Ka Dhisayso Soomaaliya Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
More FEATURES