Maxaa Sababay Inay Meelmari Waayaan Talooyinkii Dawladu Wax Kaga Qabanaysay Sicir Barar?..W/Qortay Adeeca Yuusuf
Gebo Gebo News

May 16th, 2019
Maxaa Sababay Inay Meelmari Waayaan Talooyinkii Dawladu Wax Kaga Qabanaysay Sicir Barar?..W/Qortay Adeeca Yuusuf

Sicirbararka ugu weyna ayaa ku habsaday somaliland taas oo ay shacabku uga qayliyeen sida fiinta, sixirbararka oo intuu xadhigga goostay, xadkiisana dhaafay marayana meel aad u daran oo laga murugoodo,Shacabku waxay baadi gobayaan habeen iyo malinba sidii ay uga bixi lahayeen dhaqaalo xumada haysada,. Sixirbararku wuxu sababay inuu yaraado wax kala iibsiga iyo maceeshadii oo cirka isku shareertay, sidoo kale wuxuu dhaawacay dhaqaalaha dalka,Sixirbararka waa aafo qaran oo asiibtay bulshada dhammanba.Sixirbararku wuxuu saameyn ba’an ku yeeshay qoysaska dakhligoodu hooseeyo, Muruq-maalka ama xoogsatada, Hooyooyinka khudaarta iibisa, sidoo kale wuxu saameeya wax kasta oo nagu wareegsan laga bilaabo waxyaabaha aasaasiga ah sida cuntada, biyaha, laydhka,waxbarashada, caafimadka,dhaqaalaha oo idil ayuu saameeya iyo shidaalka. Intaa waxaa sii dheer maheradaha yar yar ee aan iska xejin karin sixirbararka, shaqaalaha qaada mushaharka xadidan.

(Constant wage) sida Askarta, Macalinka, shaqalaha dawlada.

“Haddii xadiga lacagtu ay hoos u dhacto iyada oo aanay maceeshadii aanay hoos u dhicin balse lacagta suuqa dhaxa wareegaysa haddii ayka badan intii suuqu u baahnaa waxa isla markaaba hoos u dhacaya qiimaha lacagta, Lacagta suuqa ku jirtaa ay yaraatana qiimaha lacagtu kor bay u kacaa”.Dowlada ayaa ku fashilantay inay meel dhigaan siyaasad dhaqaale oo waxa ku ool ah iyo Maareynta siyaasadda bangiga , is-dhaafsiga lacagaha qalaad iyo dhaqaalaha guud ahaanba tallaabooyinka ay dawladu qaado oo aan meel marin intooda badan, dowlada oo aan maalgalin ganacsadada,dhiirigalina aan siinin ganacsadada ayaa keenta in lacagta dalka laga saaro dalkalana wax lagaga soo iibsado ama muqaadaraad(qaadka) lagu soo badasho. Hadaba waa in si toos ah ama si dadban loo yareeyo lacagaha dalka ka baxaya, Tusaale ahaan, iyada oo la adeegsanayo siyaasad lacageed(Monetary Policy) iyo mid maaliyadeed (Fiscal Policy)si loola dagaallamo sixirbararka, marka la eego dhammaan noocyada lacagaha ajnabiga ah waa inay gacanta u galaan dawladda, maadaama dowladdu tahay nidaam lacageed “bixinta lacagta”.

 

 

 

·Ma jiro ajande iyo qorshe cad oo u yaal dawlada oo lagu maamulo dakhliga dalka ama siyaasad lagu hago lacagaha qalaad.

·Ma jirto daabacaad sharci ah oo uu dalku leeyahay ( legal tender) 

·Aqoon la’aanta dhanka dhaqaalaha.

·shaqaalaha bank dhaxe oo badiba lagu keena nidaam qabiil manalaha aqoon dhaqaale, taasina waxay sababtay guul darrada ku timid siyaasadda qaranka.

MAXA KEENA SIXIRBARARKA:-

1.Qiimaha dhaca shilinka somaliland:- 

Lacagta dollarka oo wax lagu kala iibsado, iyadoo ay jirto kalsooni la’aanta lacagta dalka lagu qabo halka uu dadkeenu aaminsan yihiin in u dollarku yahay mid raaso-maal ah.

2.Mobile money transfer (Edahab and Zaad) 

bulshada ay la daaladhacaysa dhibaatooyinka zaad iyo edahab ay ku hayso shillinka somaliland, isticmaalka shillinku marka u yaraado ee u shaqayn waayo waxa ku dhacaya qiimo dhac, dib u dhac, mana yeelanayo waxtar, iyo niyad jab waxanay sababta sixirbarar, hadaba haddii ay yaraado lacagta suuqa wareegaysa ama uu kordho xawaaraha lacagta suuqa ku jirta, si kastaba ha noqotee edahab iyo zaad waxay yaraysay isticmaalka shillinka somalinad. 

3. Lacagaha la soo daabaco (Printiga money)

Daabacada lacago aan laga fiirsan loona meel dayin kuna fadhiyin cilmi oo dawladu soo daabacado lacago fara badan oo aan xadi lahayn, dawladu mataqaano xadiga lacagta ah ee dhax wareegaysa suuqyadeena.

Tusaale ahaan:- Marka ay dawladu soo daabacado lacag cusub kuna soo dayso suuqa ma kordhiso dhaqalaha wadanku iyo dakhliga balse waxay sababta in shaygii hore suuqa uga ahaa 400 sl imika uu noqto 800sl waxay sababta sixirbarar iyo qiimo dhac shilinka Somaliland.

4. Qaadka 

Qaadka ayaa bulshada ku haya hagardaamo iyo mushkilad xag dhaqaale iyo mid caafimaadba balse imika ku darsaday in uu sababo sixirbarar, qaadka oo markii hore lagu kala iibsan jiray birr oo imika lagu kala iibsado dollar.waxaynu wada ogsoonahay oo markhaati madoon ah haddii la kordhiyo cashuurta qaadka in qaadkuna qaliyoobayo taasina waxba kamuu badalin sixirbarar.

5. kharashka dowladda (Government spending).

kharashaadka aan mihiimka ahayn ee ay isticmaasho dawladdu waxay sababta sixirbarar. 

6. Sarrifka (exchange money).

maalinba maalinta ka danbaysa waxa kor u kacay qiimaha sarrifka lacagta,mana saldhiggin qiimaha shilinku, sababta oo ah dawlada baa ka gaabisay inay la timaadoSiyaasad-dejinta sarrifka iyo jaangoonta shilinka, 

7.waxsoosaar la’aanta. 

Waxsoosaarka maxaliga ah ee dalka waa in la siiya maalgashi iyo dhiirigalin si loo kobciyo wax soo saarka wadanka lagama maarmaan u ah horumarinta dhaqan-dhaqaale si looga badbaado baahida loo qabo shisheeye,si uu u helo lacagta adag oo kobcisa dhaqaalaha waddanka sixirbararkuna u yaraado.

8. Xoolaha nool oo joogsaday 

Dhaqaalaha Somaliland in uu ku salaysanyahay ama ku tiirsanyahay waxyaabo fara badan, ayadoo ay ugu horayso nimcooyinka uu ilaahay siiyay wadankeena sida xoolaha, xoolaha ayaa sida aad wada ogsoontihiinba la joojiyay taasina waxay keenta inay curyaamiso dhaqaalaha dalka,marka aanay jirin lacag adag oo soo gasha dalka balse ay jirto mid ka baxta.

TALO SOO JEEDIN SIDII LOO YARAYN LAHA SIXIRBARAR

·Waa in dawladu faro galin ku samaysaa suuqa isla markaan cashuurta ka yaraynaysa waxyaabaha daruuriga ah, sido kale cashuurta ku kordhinaysa waxyaabaha aan muhiimka ahayn. 

·In la horumariyo xoolaha iyo wax dhoofinta wadanka.

·waa in la sameeya siyaasado iyo qorshoyaal tallaabooyin maareyneed oo loo isticmaali karo in lagu maareeyo hab-nololeedka, sarrifka iyo qiyaasta dollarka isbeddelka shilinka si loo badbaadiyo xaaladaha adag ee noolaanshaha nolosha, dawladdu waa inay dejiso oo meel marisaa salgoysa shillinka, waa in la xakameeya sixirbararka ka hor inta aanay ka bixin gacmaha.

· In la dhiso habab wax ku ool ah oo loogu talagalay kormeerka bangiyada iyo bixiyeyaasha lacagta xawilaadaha.

·In la ilaaliyo tallaabooyinka kormeerka waqtigeeda iyo in loo hoggaansanaanta siyaasadaha iyo qorshe istaraatiijiyadeed kaasoo miisaaniyada sanadlaha ah lagu saleyn doono oo laga soo horjeediyo taas oo guud ahaan guusha laga gaari karo maaliyada iyo bangiga.

·Sixirbarar wuxuu saamayn ku yeesha hab nololeedka dhaqaale waa in la joojiya lacagaha adag ee habeen walba dalka ka baxaysa ee qaadka lagu badesho 

·Waa in gabi ahaanba la joojiyo Adeega Edahab iyo Zaad.

· Waa in kor loo qaado lana xoojiya sharafta isticmaalka shilinka somaliland oo la horumariya lacagta wadanka, wadan kasta waxa uu ku faana waa lacagtiisa u gaarka ah. 

· Dawladu waa inay ku dhiirrigelisaa ganacsadda inay sameyso maalgashi gudaha ah,si kor loogu qaado waxsoosaarka cuntada heerka maxaliga ah, iyo in la yareeyo soo dejinta cuntada, waxyaabaha maxalliga ah waa in ay kor u qaadaan xukuumadu sida cunnooyinka joogtada ah (Galley, digirta,garowga,iyo waxyaabaha kale ee dalagga ah).

BANKA SOMALILAND

Banka waa mid ka mid ah halboowlayaash ugu muhiimsan dowladda ee aarrimaha maaliyadda iyo dhaqaalaha,hadafyada ugu mihiimsan ee bankigu waa inuu ilaaliyaan xasiloonida, sharafta, waxtarka shilinka JSL.Hadaba banka somaliland oo aan awood ulahayn fulinta, dajinta, sharciyada , xeerarka,qawaanin iyo shuruudo adag oo lagula xisaabtamo cidkasta oo sharciga ku xad gudubta, banka ayaan ahayn mid sal go’oya qiimaha sarrifka lacagaha oo aanay noqon sarrifku mid hadba wixii lagu soo tooso aan lagu sarrifan, hoos u dhaca iyo kor u kac qiimaha lacagta labaduba midna uma fiicna horumarinta dhaqaalaha dalka, siwalbooy ahaataba waa inuu bankigu xaddido qulqulka lacagta dhax wareegaysa suuqyada waa inuu xakameeyo cadadka hantida dareeraha ah ee suuqa ku jirta. 

“If a nation’s economy were a human body, then its heart would be the central bank. And just as the heart works to pump life-giving blood throughout the body, the central bank pumps money into the economy to keep it healthy and growing.”

WAAJIBAADKA BANKA DHAXE EE SOMALILAND 

ü Mas’uuliyadda ugu weyn ee bangiga dhexe waa dajinta iyo hirgelinta siyaasadaha lacagta waa in uu bangigu ilaaliya sarrifka joogto ah ee shilinka, si loo xaqiijiyo koritaanka dhaqaalaha ee qaranka si habsami u socodka lacagta loo xaqiiijiyo.

ü Baanka waxa uu mas’uul ka yahay hubinta xasilooni lacageed iyo kor u qaadista ilaalinta qiimaha shillinka dalka iyada oo loo marayo sharciga iyo kormeerka,kobcinta hagaajita iyo isku dheelitirnaanta dhaqaalaha qaranka.

ü Nidaamka lacagta bixinta iyo maamulida isku badalka lacagta dalka iyo lacagaha qalaad sida Birr,Dollar, iyo Riyaal.

ü Bankigu waa inuu u tallaabooyin adag oo ka dhan ah kuwa ku lug leh daabacaadda lacagta been-abuurka ah ee dollarka.”Tani waa dembi weyn oo lidi ku ah dhaqaalaha“

ü Waa in uu koontaroola lacagaha soo galootiga ah, waa inuu bankigu xareeyo lacagaha qalaad ee ay soo saaraan ganacsadadu. 

ü Bankiga dhexe waa inuu door muhiimaha ka qaataa horumarinta nidaamka kobcinta dhaqaalaha (Economic growth) waa inay diirada saaraan kor u qaadida kobaca dhaqaale.

ü Sidaa daraadeed, bangiga dhexe waa inuusan aheyn oo keliya doorka maamulka, laakiin sidoo kale doorka horumarinta ee dhaqaalaha dalka.

CAQABADAHA HAYSTA BANKA DHEXE EE SOMALILAND 

Ø Qalabka oo aan ku filneyn.

Ø Xoojin la’aanta xirrirka siyaasada iyo isku xidhnaansho la’aanta laamaha kala duwan ee qaranka,

Ø Lacagta ku jirta wareegga ayaa ka baxsan xakameynta Bangiga Dhexe,

Ø Kormeerka liita ee bankiga 

Ø Bangiga oo aan madax banaanay iyo awoodiisa maamul oo liitada. 

Ugu danbeyn dawladdu waa inay door muhiim ah ka ciyaartaa xakamaynta sixirbararka iyada oo sameyneyso qorshayaal horumarineed sida beeraha , kaluumeysiga, xoolaha, warshadaha,la dagaalanka shaqo la’aanta iyo shaqo abuurka, maalgashi caalami ah.waa in meel looga soo wada jeedsada dhibaatada soo noqnoqonaysa, Labada siyaasadoodba waxay labaduba hoos u dhigi doonan sixirbararka, si wax-ku-ool ah, Siyaasadda Lacagta (Monetary Policy) iyo Siyaasadda cashuurta (Fiscal Policy).

Tixraac: – Suuqa sarrifka waqda iyo Google

ALLE MAHAD LEH. 

Adeeca Yusuf Mohamed 

Economics and political science 

Hargiesa Somaliland 

252634039289

adeecaqueen92@gmail.com

205 Views




Features

  • Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Afhayeenkii Iyo Xoghayihii Guud Ee Xisbiga WADDANI.
  • Ciidammo La Wareegay Xarunta Guud Ee Xisbiga WADDANI + Afayeenka Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay.
  • “Baad ku Bixin Mayno Nabad galyada Awdal,Dhimasho Iyo Dhiig Ayaa Laga War-Wareegayaa ” Saylici Oo Hadal Kulul Ka Jeediyey Boorama.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
More FEATURES