Daawo:Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Lagu Hoobtay Oo Ka Dhacay Muqdisho.
Gebo Gebo News

May 22nd, 2019
Daawo:Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Lagu Hoobtay Oo Ka Dhacay Muqdisho.

Muqdisho (Gebogebonews)-Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxii maanta ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

 

Dhimashada ayaa la sheegay inay gaadhay illaa 14 qof oo ay ku jiraan askar, sarkaal ciidan iyo dad kale oo rayid ahaa, sidoo kale dhaawaca ayaa gaadhay in ka badan 10 ruux.

 

 

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye, ayaa maanta ku geeriyooday qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

 

Ceelaabe ayaa xilka wasiirka arrimaha dibadda soo qabtay wakhtigii dawladdii Cabdillaahi Yuusuf Axmed, isagoo xilal wasiirnimo oo kale kasoo qabtay dawladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo maray, sida dawladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan.

 

 

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa waxa ka soo jeedaa degaan ahaan gobolka Awdal ee Somaliland.

 

 

Allaha u naxariistee Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa ahaa La Taliye ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaa uu ahaa dadka ugu khabiirsan ee dowladda Soomaaliya, soona shaqeeyay illaa xilligii Aadan Cadde.

 

 

 

243 Views




Features

  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
More FEATURES