Khasaaraha Puntland Ka Soo Gaadhay Dagaal Kooban Oo Ay La Galeen Ciidanka Qaranka Somaliland Ee Sanaag Degen.
Gebo Gebo News

May 22nd, 2019
Khasaaraha Puntland Ka Soo Gaadhay Dagaal Kooban Oo Ay La Galeen Ciidanka Qaranka Somaliland Ee Sanaag Degen.

Sanaag(Gebogebonews)-Dagaal sababay dhimshada saddex askari oo Puntland ah iyo dhaawac kale oo badan ayaa ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland ku dhex maray bariga gobalka Sanaag.

 

 

Dagaalka ayaa ka dhacay kadib markii uu wasiirka waxbarashada ee maamulka Puntland oo xiligii imtaxaanaadka ku jiraa uu yimid deegaanadaas isla markaasna ay ciidamada qaranku ka hor istaageen galitaanka magaalada Dhamala-cagare.       Dagaalka halkaas ka dhacay ayaa sababay in ciidamada Puntland laga dilo saddex askari iyo sida oo kale dhaawacyo badan waxaanu warku sheegayaa  in aanay dhimasho jirin dhanka Somaliland.

 

 

 

Wasiirka Cadaalada Cabdirisaaq Cali Cabdi ayaa maalmii ugu danbeeyay si nabad ah deegaanadaas ku maraayay waxaana markii uu ka soo laabtay deegaanka isaguna yimi wasiirka waxbarashada ee Puntland oo arimaha imtaxaanaadka maamulkaas halkaas u tagay.

 

 

Wasiirka cadaalada Cabdirisaaq Cali Cabdi oo wargeyska Geeska Afrika uu la xidhiidhay isaga oo markaas ka soo laabtay Sanaag, waxa uu yidhi“ Dadka deegaanka aad ayay noo soo dhaweeyeen waxaanu tagnay Carmala, Dhamala-cagare, biyo Guduud iyo magaalooyin kale oo badan dhamaantoodna Somaliland si fiican ayaa naloogu soo dhaweeyay.maalmihii ugu danbeeyayna halkaas ayaanu ku joognay.”

 

 

 

Wasiirka oo aanu wax ka waydiinay dagaalka waxa uu ku jawaabay “Carmala ayaa uu nin ah wasiirka waxbarashada ee Puntland uu is yidhi kaalay laakiin waxa u diiday oo ka horistaagay ciidamada qaranka, khasaarana sida warku igu soo gaadhayo waa uu ka dhacay dagaalkaas.”

 

 

 

Taliye Xuseen Faarax Aadan ( Xuseen dheere ) oo taliyaha ciidamada aagaas dagaalku ka dhacay ayaa tilifishanka Bulsho u waxa uu u sheegay sida dagaalkaasi u dhacay iyo jiritaankiisa” way jirtaa, xuduuda Somalilandna ma xidhna waana laga hortagay oo waa la’la dagaalamay, walina jiida kama bixin laakiin waa la daba joogaa, ciidan ilaa iyo dhawr iyo toban gaadhi ah ayaa uu wataa wasiirku laakiin waa la baacsanayaa oo waa la daba joogaa.”

 

 

Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay dhankooda in dagaalkaas ay kaga dhinteen saddex askari isla markaasna ay jiraan dhaawacyo kale.

 

 

Somaliland ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay maamulka Puntland ay u sii daynayaan maxaabiis  hore loogaga qabtay jiidda Tuko-raq.

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

510 Views




Features

  • Xukumada Somaliland Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Midnimo Uu Ku Baaqay Madaxweyne Farmaajo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
More FEATURES