Dil Ka Dhacay Degmada Ceel-Afweyn Iyo Xaalada Rasmiga Ah Ee Ka Jirta Degmadaasi.
Gebo Gebo News

May 23rd, 2019
Dil Ka Dhacay Degmada Ceel-Afweyn Iyo Xaalada Rasmiga Ah Ee Ka Jirta Degmadaasi.

Burco(Gebogebonews)-Beelihii la dhex dhigay nabada deegaanka Ceel Afweyn ayaa mar kale isku gaystay dil iyo dhaawac.

 

Dilka dhacay oo ay gaysteen beesha Biciide  ayaa yimid wakhti ay xidhan tahay nabadii la dhex dhigay dadka walaalaha ah ee ku wada nool deegaanka Ceel Afweyn isla markaana ay bulshada somaliland si weyn ugu garab istaagtay qaabkii ay u qaateen nabadayntii ay ergadu dhex dhigtay.

 

Wararka Ayaa Sheegaya fal celin ka dhalatay dilka loo gaystay nin ka soo jeeda Beesha Scad Yoonis uu sababay dhaawaca hal ilaa laba qof ka dib markii dad ay isku deegaan yihiin marxuunka la dilay ay jid gooyo u galeen dad kale oo ay hayb wadaagaan dadkii dilka gaystay.

Dhinaca kale wararka rasmiga ah ee laga helayo deegaanka dilka iyo dhaawacu ka dhacay ee Ceel Afweyn ayaa sheegaya in guud ahaanba xaaladu degan tahay isla markaana aanay ilaa hada jirin wax dhibaato ah oo ka taagan, iyada oo dadkuna ay masuuliyad iska saareen sidii ay nabad galyada u ilaalin lahaayeen isla markaana dadkaa fidnada gaystay aanay saamayn ugu yeelan lahayn dadka wada dhashay ee Ceel Afweyn.

 

Xaalada deegaanka Ceel Afweyn ayaa la rajaynayaa inaanu wax isbadal ahi ku iman isla markaana wax garadka labada dhinac ay xil iska saari doonaan inaanu falkaasi sii kordhin, iyada oo xukuumada somaliland-na Aanay Weli Ka Hadal  xaalada soo korodhay ee u baahan Wax Ka Qabashada.

 

 

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

 

 

 

395 Views




Features

  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
More FEATURES