Golaha Wasiirradda Somaliland Oo Baaq Nabadeed UdiraynMaamul Goboleedka Puntland.
Gebo Gebo News

May 23rd, 2019
Golaha Wasiirradda Somaliland Oo Baaq Nabadeed UdiraynMaamul Goboleedka Puntland.

Hargaysa (Gebogebonews)-Kal-fadhigii 35-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23/05/2019, warbixin lagaga dhegeystay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka.

 

 

 

Waxaanu wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka golaha u soo bandhigay tallaabooyinka horumarineed ee ay qaadeen, isagoo ku dheeraaday dhismayaasha iyo dayactirka waddooyinka. Sidoo kalena wuxuu wasiirku sharaxaad ka bixiyey qorshayaasha ay u dejiyeen taxadirka gaadiidka kuwaas oo lagula soconayo badqabka gaadiidka, xadidaaada xawaaraha, culayska gaadiidka iyo qalabka GPRS ee gaadiidka dawladda.

 

 

Isagoo xusay inay casriyeeyeen liisanka wadida gaadiidka qaadashadiisana la adkeeyey iyadoo loo marayo imtixaan adag si looga hortago shilalka khasaaraha naf iyo maalba leh ee ku soo noq-noqday.

 

 

Ugu danbayn xukuumadda Somaliland iyadoo ka duulaysa ahmiyada weyn ee nabadgelyadu leedahay waxa ka go’an in nabad waarta iyo xasilooni ay ku naaloodaan dalalka geeska afrika, lana dhawro deris wanaaga, balse ay maamul goboleedka Puntland nabadgelyo daro ka wadaan meelo ka mida gudaha Somaliland.

 

 

Haddaba sidii uu hore Madaxweynaha Somaliland, munaasibadii sannad guuradda 28aad ee badax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May ku cadeeyey inay nabad buuxda diyaar ula yihiin, marnabana aanay duulaan ku ahayn maamul goboleedka Puntland, waxaay mar kale dawladda Somaliland ku celinaysaa in la ilaaliyo nabadgelyada lagana fogaado colaad ka soo cusboonaata halkaas, waxaanan ugu baaqaynaa maamulka Puntland inay ka waantoobaan daan-daansiga, xilna iska saaraan xoojinta nabada.

 

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

156 Views




Features

  • Xukumada Somaliland Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Midnimo Uu Ku Baaqay Madaxweyne Farmaajo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
More FEATURES